fredag, mars 29, 2024

Wasiiradii Frp ee xilka ka dagay oo saf ugu jiro mushaar dheeri ah.

Ilaa hada 10 kamid ah wasiiradii iyo wasiiro dowlayaashii Frp ee dhawaan iska wareejiyay xilalka dowlada, ayaa codsaday in la siiyo mushaar dheeri ah oo ay kusii meel gaaraan inta ay ka helayaan shaqooyin kale.

Isku dar wasiiradan ayaa hadii loo ogolaado codsiyadan, waxey heli doonaan lacag dhan 2,7 milyan oo kr.

Tiradan ayaa la filayaa inay sii kororto, maadaama isku dar 36 qof oo Frp katirsan ay bil kahor ka baxeen xukuumada ay hogaamiso Erna Solberg. Dadkan ayaa isugu jiro wasiiro, wasiiro dowlayaal iyo la taliyeyaal siyaasadeed.

Sida caadiga ah Norway, marka uu wasiirku xilka ka dago, wuxuu xaq u leeyahay inuu soo codsado in mushaarkiisii uu sii qaato hal bil, hadii uu rabana wuxuu soo codsan karaa sadex ilaa lix bil.

Mushaar siinta wasiirada marka ay xilka ka dagaan, ayaa ah mid loogu talagalay in wasiirku uusan horey ka bilaabin shaqo uu kaga faa´iideysan karo aqoontii iyo xogtii siyaasadeed ee uu helay intii uu wasiirka ahaa. Waxaana wasiirada laga mamnuucaa inay ka shaqeeyaan shaqooyin lug ku yeelan kara shaqada wasaaradii ay ka tageen ilaa mudo lix bilood ah.

Arintan mushaar siinta wasiirada Frp xiisaha u yeeleyso, ayaa ah in qaar badan oo kamid ah siyaasiyiinta Frp ay horey uga soo horjeedi jireen isla arintan ay iyagu hada sameynayaan, markii uu talada hayay Jens Stoltenberg.

Dhanka kale, Mezyar Keshvari oo horey u ahaa xildhibaan katirsan baarlamaanka Norway, ayaa loo diiday in la siiyo, kadib markii lagu eedeeyay inuu musuq-maasuqay lacagta dowlada.

Xigasho/kilde: Etterlønnssøknadene renner inn til Erna Solberg etter Frp-exit fra regjeringen.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x