Wali intaad NAV kala dhamaateen, tix gabay ah makugu sagootiyeen.

0
209

Kristian Danielsen  waa nin Norwiiji ah oo kunool magaalada Bodø ee woqooyiga dalkan Norway. Mudo sanad ah ayuu shaqo la’ aan ahaa, wuxuuna hoos tagayay hey’ adda NAV.

Kadib markii uu sanad kadib helay shaqo cusub, ayuu damcay inuu fariin wargalin ah u diro hey’adda NAV oo dhaqaale ahaan caawin jirtay. Meeshii uu ka diri lahaa qoraal caadi ah, ayuu go’aansaday inuu diro qoraal la qurxiyay, isaga oo NAV ka dhigay ama ku matalay gabar ay is jeclaayeen oo ay kala tagayaan.

Wuxuu qoraalkiisa kusoo qaatay ereyo ay kamid yihiin: Waxaan kala goosanay hadalkii mudadii ugu danbeysay, waxaana go’ aansaday inaan kaa tago, si aan u aado shaqo toos ah. Waxaan rajeynayaa inaan dad saaxiibo ah sii ahaano. Fadlan, dhibtu dhankaaga ma ahan, ee waa aniga xageyga. Nabad galyo, saaxiibkaa Kristian.

NAV ayaa markii ay qoraalka ninka aragtay ugu soo jawaabtay tix gabay ah oo fariintiisa ay uga jawaabayeen, iyaga oo tixdooda kusoo xiray: Horey u socdo, waad aragtaa in wax walba hagaageen, hadii ay xaaladu kugu xumaato, ogow mar walba halkan ayaan kuu joognaa.

Ninkan ayaa sheegay inuu markii hore ku fakarayay inuu si qurux badan u macsalaameyo shaqaalaha NAV oo mudadii uu shaqo la’ aanta ahaa si fiican ula dhaqmay. Balse markii uu tixdooda jawaabta gabayga ah arkay, uu aad ula dhacay aftahanimadooda iyo sida ay jawaab ka sareyso tiisii ugu soo jawaabeen.

Xigasho/kilde: Kristian (43) fikk seg en god latter etter kontakten med Nav

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments