(UK) Wasiir: Waalidkaa wadanka masoo gali karay, hadii sharcigaaga la raaco?

0
110
Priti Pate: Wasiirada arimmaha gudaha UK

Priti Patel oo ah wasiiradda arrimaha gudaha dalka UK, ayaa shaley soo bandhigtay siyaasada cusub ee xukuumada cusub ee dalkaas dhawaan loo doortay. Waxeyna sheegtay in UK ay joojin doonto in Viso la siiyo shaqaalaha aqoonta jaamacadeed ama xirfada shaqo ee sare aan laheyn.

Priti Patel ayaa sheegtay in UK ay Viso siin doonto oo kali ah dadka leh aqoonta sare ee luuqada Ingiriiska ah, sidoo kalena leh aqoon jaamaceed ama xirfad sare oo UK looga baahanyahay. Waxeyna carabka ku adkeysay in dalkeedu uu soo qaadan doono oo kali ah dadka ugu aqoonta sareeyo, uguna tayada wanaagsan kumanaanka qof ee Visaha dalkaas kasoo codsado sanad walba. Halkan kasii akhri.

Waalidkaa masoo gali kareen wadanka:

Waalidka Priti Patel oo asal ahaan kasoo jeedo dalka India, ayaa UK soo galay 1970-kii. Waxeyna kamid ahaayeen kumanaan qof oo u badnaa ganacsato reer Asia ah, kuwaas oo madaxweynihii dalka Uganda, Didi Amin Dada uu kasoo musaafuriyay dalka Uganda. Waxaana dib u dajin u sameysay dowladii UK ee xiligaas.

Wasiirad Priti ayaa hada kamid ah siyaasiyiinta ugu mayalka adag xisbiga garabka midig ee dalkaas. Waxaana shaley la weydiiyay su´aal ku saabsan in waalidkeed ay wadanka soo gali kareen, hadii ay iyada xilka heyn laheyd ama la raaci lahaa sharciyada ay soo rogtay xukuumada ay ka tirsantahay.

Wasiirada oo ka naxday su´aasha la weydiiyay, kana warwareegeyso inay si toos ah uga jawaabto, ayaa sheegtay in sharcigan cusub uusan ku saabsaneyn iyada iyo asalkeeda. Hadana aan la joogin xiligii ay waalidkeed wadanka soo galeen, ayna muhiim tahay in la xakameeyo kumanaan qof ee magangalyada usoo raadsado UK.

Xigasho/kilde: Priti Patel’s own parents wouldn’t pass her new immigration points rules.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments