torsdag, april 25, 2024

Tromsø: Qofkii ugu horeeyay ee qaba xanuunka Corona-Virus, oo Norway lagu arkay.

Sida ay daqiiqado kahor shir jaraa´id ku sheegtay hey´adda qaabilsan caafimaadka dadweynaha, qofkii ugu horeeyay ee qaba hargabka halista ah ee Corona-Virus ayaa maanta lagu arkay gudaha dalkan Norway.

Qofkan laga helay hargabka Corona ayaa degan magaalada Tromsø, wuxuuna dhawaan safar kaga soo noqday dalka Shiinaha, gaar ahaan gobolada uu cudurka sida aadka ah ugu faafay.

Hey´adda caafimaadka dadweynaha ayaa sii raacisay in caafimaadka ninkan uu fiicanyahay, laakiin laga helay cudurka Corona-viruska, kadib baaritaan lagu sameeyay markii uu kasoo noqday shiinaha. Waxeyna sheegeen in khatarta ninkan uu cudurka kusii faafin karo dadka kale, ay tahay mid aad u yar. Maadaama aan laga helin tilmaamaha halista ah ee cudurkan.

Ninkan ayaa waxaa hada lagu karantiilay gurigiisa, waxaana xaaladiina si dhow ula socdo hey´addaha caafimaadka.

Hey´adda caafimaadka dadweynaha ayaa sidoo kale sheegtay inay jirto khatar aad u weyn oo uu cudurkan ku faafi karo gudaha Norway iyo dalalka kale ee Yurub.

Wixii kusoo kordha arintan, dib ayaan kasoo galin doonaa.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x