Sweden-Denmark: Muuqaal ay Snapchat isaga duubeen caruur soomaali ah oo is tooganeyso.

0
125
Foto: Politiet

Warbaahinta dalalka Sweden iyo Denmark ayaa maalmahan hadalhayay muuqaalo Snapchat looga duubay wiilal soomaali ah oo bartamaha sanadkii hore ee 2019 lagu dilay duleedka magaalada København ee caasimada dalka Denmark.(Hoos ka fiiri)

Labada wiil ee la dilay ayaa da’ ahaan kala jiray 22 iyo 23 sano, waxeyna heysteen dhalashada dalka Sweden. Waxaana dilkooda ay boolisku xabsiga u dhigeen shan wiil oo soomaali ah, kuwaas oo da’ doodu ay dhaxeyso 17 ilaa 25 sano.

Wiilasha soomaalida ah ee la dilay iyo kuwa dilkooda lagu eedeeyayba, waxey ka kala tirsanyihiin labo koox oo gangs soomaali ah, kuwaas oo ka howlgala wadooyinka magaalada Stocklom ee caasimada Sweden.

Muuqaalka ay Snapchatka ku duubeen kooxda dilka geysatay ayaa muujinayo wiilal kasoo baxayo baabuur, kuwaas oo midkood uu wato qoriga loo yaqaan AK-47( Kalasjnikov). Ilbiriqsiyo kadib ayuu xabado ku furayaa labo wiil oo ku jira baabuur taagan meel aan wax badan ka dheereyn meesha ay baabuurkooda ku istaajiyeen.

Qof sadexaad oo kujira baabuur kale ayay sidoo kale xabado ku furayaan, balse wuxuu baxsaday isaga oo aysan soo gaarin dhaawac xabadeed.

Denmark ayaa Sweden ku wareejisay afar kamid ah shanta wiil ee dilka loo qabtay, halka kan sadexaad oo lagu eedeynayo dilka lagu maxkamadeyn doono Denmark.

Dalka Sweden waxaa aad ugu soo badanayo dagaalka ka dhex taagan kooxaha soomaalida ee dhalinyarada gangiska ah, kuwaas oo inta badan ku dagaalama gacanta ku heynta wadooyinka lagu iibiyo daroogada iyo ka ganacsigeedaba.

Xigasho/kilde: Fem svenskere tiltalt for brutalt dobbeltdrab i Herlev

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments