Sababtan ayaa keentay dagaalka dumarka ku dhexmaray Towfiiq.

0
155

Warbaahinta Norway oo soo xiganeyso booliska Oslo, ayaa galabta si aad ah u hadalhayay dagaal labo qof oo dumar ah ku dhexmaray masaajidka soomaalida ee Towfiiq.

Dagaalkaas ayaa sababay in mid kamid ah labada haweenka ah qaniinyo looga gooyo mid kamid ah faraha gacanta, waxeyna boolisku sheegeen inay haweeneydan aad u dhiig baxday kahor inta aysan boolisku u qaadin isbitaalka.

Booliska ayaa markii danbe xabsiga dhigay haweenay 50-meeyo jir ah oo lagu eedeynayo inay ka danbeyso dhaawaca la gaarsiiyay haweeneyda kale oo boolisku ay da´deeda ku sheegeen 30-meeyo jir.

Xiriir lama lahan khilaafkii dhanka maamulka ee masaajidka:

Dad badan ayaa marka ay galabta maqleen inuu dagaal ka dhacay masaajidka Towfiiq, markiiba waxaa maskaxdooda kusoo dhici kartay in arintaas ay xiriir la leedahay khilaafkii dhanka maamulka ahaa ee ka dhex taagnaa labada guruub ee soomaalida ah.

Balse sida ay NorSom News ka xaqiiqsatay dad xog ogaal ah, gacan ka hadalka masaajidka ku dhexmaray labada dumarka ah ee soomaalida ah, ayaa xiriir la leh arrimo qoys oo hoose oo labada dumarka ah ka dhaxeeyo.

Dagaalkaasna wax xiriir ah lama laha khilaafkii horey masaajidka uga taagnaa ee ku saabsanaa dhanka maamulka iyo gudiga masaajidka maamula.

Booliska ayaan faah-faahin wali ka bixin arinta foolxumada leh ee galabta masaajidka ka dhacday. Waxeyna boolisku masaajidka joogeen ilaa sideeda fiidnimo ee caawa. Iyaga oo wareysiyo la yeeshay dad badan oo goob joog ka ahaa masaajidka, marka uu falkan dhacayay.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments