Oslo: Booliska oo raadinayo rag jirdil u geystay nin soomaali ah.

0
149
Foto: Booliska

Booliska Oslo ayaa raadinayo sadex qof oo goob-joog ka ahaa fal jirdil xun ah oo xaafada Sandaker ee magaalada Oslo, loogu geystay nin 30-jir ah soomaali ah.

Booliska ayaa sheegay in falkan uu dhacay 25-tii bishii January ee sanadkan 2020, wuxuuna agagaarka senterka xaafada Sandaker ka dhacay abaare 00:45 habeenimo(sax dhexe). Ninkan soomaaliga ah ayaa loo geystay jirdil xun oo halis ah, xitaa kadib markii uu suuxay oo miyir beelay, sida ay boolisku sheegeen.

Ninkan soomaaliga ah ayaa waxaa loo geystay dhaawac lafta madaxa ah, dhiig furan maskaxda ah iyo lafta suxulka gacanta oo laga jabiyay. Sidoo kale xididka neefta ayay boolisku sheegeen inuu kasoo gaaray dhaawac.

Booliska oo daawaday muuqaalka kaamiro jidka ku xiran, ayaa sheegay inay raadinayaan macluumaadka sadex qof oo lagu arkay agagaarka goobta uu falkan ka dhacay, xiliga ninkan soomaaliga ah jirdilka loo geystay. Waxeyna bogooda Facebooga ee la xiriirka dadwenyaha ku sheegeen tilmaamaha sadexda qof oo ay raadinayaan inay helaan macluumaadkooda.

Labo kamid ah raga ay boolisku raadinayaan ayaa lagu sheegay inay u muuqaal ekaayeen Norwiiji, halka midkoodna uu qoorta ku lahaa tatovering(sumadaha midabka ah ee jirka lagu qorto). Waxeyna boolisku raadinayaan macluumaadka haweenay sadexaad oo ka agdhaweyd goobta ay wax ka dhaceen. Halkan kasii akhri tilmaamnta booliska ee ragan ay raadinayaan.

Booliska ayaa codsanayo inay xiriir lasoo sameeyaan qof walba oo arintan macluumaad ka hayo ama ku sugnaa agagaarka senterka- sandaker xiliga ay wax ka dhaceen.

Xigasho/kilde: Etterlyser tre personer etter «alvorlig voldshendelse»

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments