lørdag, april 20, 2024

Norway: Wasiir lagu heysto musuq-maasuq mushaar.

Geir Inge Sivertsen oo katirsan xisbiga Høyre, waa wasiirka cusub ee kaluumeysiga dowlada Norway, wuxuuna kamid ahaa golaha wasiirada ay xukuumada Erna Solberg ee lasoo magacaabay bishii na dhaaftay ee Januar.

Saxaafada Norway ayaa maalmahan aad u hadalheysay arin musuq-maasuq mushaar ah oo uu sameeyay wasiirkan oo dhowr bilood isku qaadanayay dhowr mushaar oo kala duwan.

Duq magaalo, hadana wasiiru dowle mushaarkiisa:

Wasiirkan ayaa horey duq magaalo uga deegaanka Lenvik, kahor inta aan loo magacaabin wasiiru dowladaha wasaarada ganacsiga Norway.

Wargeyska Dagbladet ayaa soo bandhigay kiis sir ah oo ku saabsan in Geir Inge Sivertsen oo qaata mushaarkiisa buuxa ee wasiiru dowlinimada, uu hoosta ka codsaday in la siiyo mushaar dheeri ah oo uu ka qaadanayay shaqadii duqa magaalada. Wuxuuna mudo labo bil ku dhow ah isku qaadanayay labo mushaar oo kala duwan.

Hadana mar kale ayaa ninkan loo magacaabay wasiirka kaluumeysiga, isaga oo wasiir ah ayuu markana qaadanaya mushaar uga socday gobolkii ay ku taalay degmadii uu duqa magaalada ka ahaa.

Wasiirkan ayaa sidoo kale lagu helay kiis musuq-maasuq u eg oo la xiriira inuu madax ka ahaa shirkad ka shaqeysa kaluunka, taas oo bilo kooban kahor lacag ka codsatay wasaarada uu markii danbe wasiirka ka noqday.

Sheekada wasiirkan ayaa maalin waji cusub yeelaneyso, iyada oo xisbiyada mucaaradka ay hada dalbadeen i wasiirka xilka laga qaado.

Xigasho/kilde: Fremmer mistillitsforslag mot fiskeriministeren

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x