Norway: Maxkamada sare oo isbuucan ka fadhiisan doonto xeerarka qaanuuniga ah ee barnevernka.

0
87
Foto/ill.: Tore Sætre / Wikimedia

Golaha garsoorka ugu sareeyo Maxkamada sare ee dalkan Norway oo ka kooban 11 garsoore, ayaa isbuucan u fadhiisan doono dhageysiga sadex dacwadood oo ka dhan ah hey´adda barnevernka dalkan Norway.

Xukunka garsoorayaasha maxkamada sare ee Norway ee sadexdan kiis ayaa wax weyn ka badali kara qaabka ay u shaqeyso hey´adda barnevernka iyo xeerarka ay ku dhaqanto.

Sadexdan kiis ayaa ah kuwo aad loo wada sugayo natiijadooda, waxeyna kusoo aadeen xili dowlada Norway ay maxkamada xuquuqul insaanka Yurub ku xukuntay shan kiis oo lagu eedeeyay inay jabisay xeerka qoyska iyo kan nolosha gaarka ah ee qofka.

Sadex kiis:

Sadexdan kiis oo dhageysigooda la bilaabay talaadadii shaley aheyd, ayaa ku saabsan 1) Waalidiin laga wareejiyay xuquuqda korinta iyo masuuliyada waalidnimo, 2) Ilmo yar oo ay barnevernku hooyadii kala wareegeen, wax yar uun kadib marka ay dhashay 3) iyo Kiiska sadexaad oo la xiriira wada joogista waalidka iyo ilmaha ee xukunka barnevernka kadib.

Golaha ugu sareeyo Maxkamada sare ayaa mudo 6 maalin ah oo xiriir ah dhageysan doono dacwada ka dhanka ah barnevernka, waxeyna ku dhageysan doonaan 11 garsoore. Caadiyan maxkamada sare ayaa kiisaska ku dhageysata fadhi ka kooban 5 garsoore, balse waxaa markan lagu soo biiriyay 6 garsoore oo kale. Kuwaas oo ah tirada ugu sareyso ee dhageysan karto kiisaska qaanuuniga ah ee la keeno maxkamada sare.

Maxkamada xuquuqul insaanka Yurub ayaa fariin cad u dirtay dowlada Norway, iyada oo ka digtay in lagu sii dhaqmo xeerarkii markii hore sababay in laga jabiyo xuquuqda waalidiinta iyo caruurta, kuwaas oo maxkamada usoo gudbiyay dacwada ka dhanka ah barnevernka.

Dowlada Norway ayaan ilaa hada qiran danbiga xukunka ay maxkamada xuquuqul insaanka yurub ku xukuntay, raali-galin toos ahna aan siin waalidkii ay qaladka ka galeen.

Maxkamada sare ayaa markii ugu horeysay ogolaatay in dhageysiga kiisaska la xiriira dacwadahan loo furo dadweynaha iyo dadka kale ee xiiseynayo. Waxaana hoolka maxkamada sare soo buuxiyay boqolaal qof oo xiiseynaya dhageysiga dacwada kiisaskan.

Hey´adda Barnevernka Norway oo xiliyadii hore ahaan jirtay mid aan aad looga hadlin kiisaskeeda, ayaa bilihii ugu danbeeyay la kulmeysay eedeyn uga imaaneyso dhinacyo badan. Waxaana hey´adda lagu eedeynayaa qaabka u fasirto sharciyada caruurta, qaabka ay ula dhaqanto waalidka caruurta dhalay iyo go´aamada masiiriga ah oo ay gaaraan, iyaga oo awoodi kara inay siyaabo kale kiisaska u xaliyaan.

Xigasho/kilde: Nå skal Høyesterett legge klare barnevern-føringer

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments