Norway: 58 qof oo laga baaray cudurka «coronavirus»

0
142
Foto: STRINGER / EPA

Sida ay xaqiijisay waaxda caafimaadka ee Norway, ilaa 58 qof oo looga shakisnaa cudurka ka dilaacay dalka Shiinaha ee «CoronaVirus», ayaa laga baaray cudurkaas. Iyada oo dhamaan baaritaanada la sameeyay ay noqdeen kuwo Negativ ah. Ama dadka la baaray laga waayay cudurkaas.

Waaxda caafimaadka ayaa isbuuciiba laba mar soo gudbisa warbixinta joogtada ah ee cudurkaas cabsiga ka abuuray dhamaan dalalka aduunka.

Ilaa hada dad kor u dhaafayo 1000 qof ayaa gudaha dalka Shiinaha u dhintay cudurkaas, wuxuuna soo ritay dad gaaraya 43.000 qof.

Xigasho/kilde: 58 testet for Wuhan-viruset i Norge – ingen smittet

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments