fredag, mars 29, 2024

NAV: Dadka guryaha lagu karantiilo, waxey xaq u leeyihiin lacagta xanuunka shaqada.

Hey’ adda NAV ayaa maanta bogeeda internetka kusoo qortay in dadka laga baarayo hargabka Corona ee dhakhaatiirtu ay ku xabisaan guryaha, ay xaq u leeyihiin lacagta xanuunka shaqada(Sykepenger).

Hey’ adda ayaa sidoo kale sheegtay in hadii qofka uu dhakhtar ama degmada uu deganyahay ay ka joojiso shaqadiisa, sabab la xiriirta shaki laga qabo inuu ku dhacay hargabka Corona, uu sidoo kale xaq u leeyahay lacagta xanuunka shaqada.

NAV ayaa sidoo kale raacisay in qofkii iskiis isku xabiso(karantiilo), shaki uu ka qabo cudurka awgiis, uusan xaq u laheyn lacagtaas. Balse hadii uu dhakhtar kugu amro inaad guriga joogto, ayaad xaq u yeelan kartaa oo kali ah.

Xigasho/kilde: Sykmeldinger i forbindelse med koronaviruset

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x