torsdag, april 25, 2024

MD Farmaajo oo Adiss ababa kula kulmay RW Solberg.

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada hadallo magaalada Adiss ababa kula yeeshay Ad Ra’iisul Wasaaraha Norway Marwo Erna Solberg.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Dowlada Norway uga mahadceliyay dadaalka ay uga qeybqaadaneyso dib dhiska hey´addaha dowliga ah ee Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Adiss ababa u joogay ka qeybgalka shirka midowga Afrika, halka Erna Solberg ay Adiss ababa u aaday helista codadka dalalka katirsan midowga Afrika, xili ay Norway dagaal ugu jirto kursiga golaha amaanka ee qaramada midoobay.

Waxeyna Norway dagaal kula jirtaa dalka Canada oo kursigaas hanashidiisa xusul duub ugu jiro. Reysulwasaaraha Canada oo uu weheliyo wasiirkiisa Soomaaliga ah ee Axmed ayaa iyagana maanta galinkii hore magaalada Adiss ababa kula kulmay madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x