Maxkamad diiday racfaanka ninkii loo xukumay shaqaaleysiinta qoxootiga.

0
98
Foto: Sissel M. Rasmussen

Maxkamada racfaanka Oslo ayaa diiday inay qabato racfaanka Arne Viste oo ahaa ninkii Norwiijiga ahaa ee maxkamada hoose ee Oslo ay u xukuntay shaqaaleysiinta dadka qoxootiga ah.

Maxkamada Oslo ayaa ninkan ku xukuntay in shirkadiisu ay shaqaaleysiisay ilaa 70 qof oo qoxooti ah, kuwaas oo aan Norway ku heysan sharci qoxootinimo ama ogolaansho shaqo. Waxaana lagu eedeeyay, markii danbena xabsi loogu xukumay danbi la xiriira inuu jabiyay sharciga soo galootiga Norway.

Ninkan ayaa qirtay kiiska lagu soo eedeeyay, balse diiday inuu sameeyay wax danbi ah. Isaga oo sheegay inuu gutay waajibkiisa bini-aadantinimo. Halkan kasii akhri.

Ninkan ayaa hada diidmo ka helay codsi uu dirtay oo ahaa in maxkamada racfaanku, ay mar kale ku noqoto kiiskiisa.

Arne Viste ayaa sanadkii 2019 lagu abaal-mariyay dhowr biladood oo kala duwan oo uu ku muteystay gacan-siinta dadka qoxootiga ee aan Norway magangalyada ku heysan.

Xigasho/kilde: Arne Viste får ikke ankesaken behandlet for å ha ansatt asylsøkere.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments