Keshvari: Boqolaal kun ayuu baarlamaanka ka khiyaanay, mushaar dheeri ayuu hadana codsaday.

0
99
Foto: Stillebilde/Youtube

Mazyar Keshvari oo horey ugu xukunaa danbi ah inuu baarlamaanka Norway ka khiyaanay 450.000 kr, ayaa hada isla baarlamaankii uu khiyaanay, ka codsaday mushaar dheeri ah, kadib markii uu waayay kursigii xildhibaanimada.

Keshvari ayaa mudadii uu katirsanaa baarlamaanka Norway, boos xajiye u ahaa wasiiradii hore ee maaliyada Norway, Siv Jensen, taas oo booskeedii baarlamaanka dib ugu soo noqotay, kadib markii ay ka dagtay xilka wasiirnimo.

Dastuurka Norway ayaa ogolaanayo in qofka xildhibaanka ahaa ee waayay booska xildhibaanimo uu codsan karo in la siiyo mushaar uu kusii meelgaaro sadexda ilaa lixda bilood ee ugu horeysa, marka uu xilka ka dago kadib.

Balse Keshvari oo awalba ku xukunaa, qirteyna inuu baarlamaanka Norway ka dhacay boqolaal kun oo kr, ayaa hadana codsaday in la siiyo lacag mushaar ah, sadex bilood oo dheeri ah. Lacagtaas ayaa u dhiginta 248.000 kr.

Gudiga joogtada ah ee baarlamaanka ayaa Keshvari u diiday codsigiisa in la siiyo mushaar, sadex bilood oo dheeri ah. Iyaga oo arintaas ku sababeeyay in Meshvari uu ku xukumanyahay xatooyo xoolo dadweyne.

Xigasho/kilde: Svindlet Stortinget for flere hundre tusen kroner – så ba han om etterlønn

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments