Kelli ayay ninkeeda ugu deeqday: Hadana waxey dalbatay inuu soo celiyo.

0
129

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Haweeney u dhalatay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Maviş Erdoğan ayaa maalmihii lasoo dhaafay qabsatay warbaahinta iyo baraha bulshada ee dalkaas, kadib markii seygeeda ay ka dalbatay in uu usoo celiyo kelli ay hadda kahor ugu deeqday isagoo xanuunsan.

Haweeneydan iyo seygeeda oo lagu magacaabo Axmet Erdoğan ayaa aqal galay sanadkii 2006-ka, waxaana dhowr sano kadib xanuunsaday seygeeda oo laga qabtay kelliyaha.

Sanadkii 2009 ayaa isbitaal ku yaala dalka Turkiga waxaa la seexiyay Axmet Erdogan, waxaana dhakhaatiirta ay ka deyriyeen xaaladdiisa caafimaad, waxayna ku taliyeen in uu u baahan yahay qof kale oo kelli u bixiya si noolashiisa loo badbaadiyo. Waxaa markiiba usoo istaagtay xaaskiisa oo ugu deeqday mid kamid ah kelliyaheeda.

Haweeneydan ayaa badbaadisay seygeeda, waxaana taasi ay keentay in uu caafimaado Axmet.

Hase yeeshee horraantii bishii April ee sanadkii 2019-ka, Axmet Erdoğan waxay xaaskiisa sheegtay in uu guur qarsoodi ah la galay gabar ay ehel yihiin oo uu ka tegay iyada oo u heysa wiil 11 sano jir ah.

Balse Maviş Erdoğan ayaa ka carootay «sida ninkeeda uu ula dhaqmay», waxayna kasoo muuqatay barnaamij ka baxa telefishenka Ahaber ee dalka Turkiga, iyadoona dalbatay in ninkeeda uu usoo celiyo kellidii ay ugu deeqday dhowr sano kahor.

«Waxaan siiyay kellideyda, sababtuna waxay ahayd in aan noolal wadaagno,»ayay tiri Maviş Erdoğan oo la hadleysay telefishenka Ahaber.

Waxay intaa raacisay in ninkeeda uu khiyaanay, taasina aysan ahayn wax ay fileysay. Haweeneydan ayaa sidoo kale sheegtay in qoyskiisa aanay siinin kellida markii uu u bahnaa, balse iyada ay nafteeda u hurtay.

Hase yeeshee arrintan dad badan ka yaabisay ayaa ah in seygeeda Axmet Erdoğan uu xaqiijiyay in waxwalba oo dhexmaray isaga iyo xaaskiisa, wuxuuna yiri «maba ahaynba in ay isiiso kellideeda xilligaas».

Ahmet Erdogan ayaa sheegay in xaaskiisa guri uu lahaa ay kaga badelatay kellida ay siisay, sidaas darteedna aysan ahayn wanaag ay u fashay. Labada dhinac ayaa midba midka kale ka eed sheegtay.

Barnaamijka Ahaber TV ayaa inta badan looga hadlaa arrimaha guurka iyo qoyska

Labadooda oo kasoo muuqday barnaamij ka baxa talefishenka Ahaber oo looga hadlo dhibaatooyinka qoysaska ayaa haweeneydan waxay sheegtay in dhib badan ay u martay, balse sidaas aysan ka fileynin seygeeda.

«Cunugeyga wuxuu galay qalliin, anniga ayaa raadsaday lacagta qalliinka oo cidna ma wedyiin, qof i taageerayna malahan, dhib badan ayaa uso maray seygeeda», ayay raacisay hadalkeeda.

Maviş Erdogan, oo ka sheekeyneysay wixii ay kala kulantay noolasha ayaa sheegtay in wixii ka dambeeyay markii ay kellida u bixisay Axmet ay xaalad caafimaad lasoo daristay.

Haweeneydan oo ilmeyneysay iyadoo si toos ah looga wareysanayo telefishenka Ahaber ayaa sheegtay in ay ka dhaadhici weyday «waxa uu ku sameeyay seygeeda».

«Waxaan la daalaa dhacayaa sidii aan hal kelli ugu noolaan lahaa iyo korinta cunigiis, waxaan siiyay noolasheyda, haddana waxaan rabaa in uu kellideyda isoo celiyo», ayay raacisay hadalkeeda.

Sharciga dalka Turkiga ayaa dhigaya in haddii qofka uu ku deeqo xubin kamid ah jirkiisa kadib marka la dhameeyo qallinka uusan marka dib u sheegan karin, maadaama qalliinka kahor la kala saxiixdo heshiiska bixinta.

Haweeneydan ayaa haatan waxaa adkaan doonta inay dib u hesho kellideeda, maadaam sharciga aysan waafaqsaneyn, waxaase hadalkeeda laga dheehan kara sida ay uga xn tahay qaabka ninkeeda ay sheegtay in uu ula dhaqmay.

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments