Germany: 9-ka qof ee la toogtay waxay ahaayeen ajaaniib ku jirtay baar shiishada lagu cabo.

0
140

Nin u dhashay dalka Germany oo 43 sano jir ah ayaa xalay magaalada Hanau ee dalka Germany ku laayay 9 qof oo ku caweynayay labo baar oo Shiishada lagu cabo.

Inta ay boolisku xaqiijiyeen gacan ku dhiiglaha ayaa dilay ilaa 9 qof, waxaana dhaawac ah 6 qof. Mid kamid ah dadka dhaawacan, ayay laamaha caafimaadku sheegeen in dhaawiciisu uu aad u halis u yahay.

Dhamaan dadka dhintay ee la laayay ayaa ah ajaaniib muslimiin ah.

Ninka falkan geystay ayay boolisku meydkiisa ka heleen gurigii uu degenaa, waxaana sidoo kale guriga laga helay meydka hooyadiis oo 72 sano jir oo uu iyada dilay.

Warbaahinta wadanka Germany ayaa soo bandhigtay muuqaalo iyo qoraalo uu ninkan kusoo bandhigay baraha bulshada, kuwaas oo ku muujinayo sida uu uga soo horjeedo ajaaniibta. Waxaa sidoo kale la helay website uu lahaa oo hadda hawada laga saaray iyo muuqaal uu Propagando ku faafinayo oo YouTube ku jiray.

Dalka Germany waxaa aad uga soo badanayo weerarada argagaxiso ee lala beegsanayo ajaaniibta, gaar ahaan muslimiinta ah. @

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments