Frp: Ma dhacdeen in qoxooti fursad cusub la siiyo, hadii aan joogi laheyn.

0
72
Foto: Youtube/Stillebilde

Wasiiradda cadaalada Norway ayaa shaley booliska iyo laamaha amaanka ku amartay inay joojiyaan tarxiilka dadka qoxootiga ah ee diidmada ka heystay codsiga magangalyada, mudada dheerna ku noolaa Norway. Halkan kasii akhri.

Wasiirada oo katirsan xisbiga Høyre ayaa sheegtay in dowladu ay baarlamaanka u dirtay soo jeedin wax looga badalayo xeerka soo galootiga, taas oo suurtogal ka dhigi karta in dad badan ay helaan sharci magangalyo, maadaama y wadanka wax badan joogeen. Waxeyna sheegtay in dadkaas ay heli karaan fursad ay noloshooda ku maareyn karaan oo ay ku shaqeyn karaan.

Frp: Waa noo dagaal.

Xisbiga dhawaan ka baxay xukuumada reysulwasaare Erna Solberg ayaa sheegay in arintaas aysan dhici laheyn, hadii ay iyagu xukuumada ku jiri lahaayeen. Waxeyna dhaleeceyn u jeediyeen xisbigii ay wada shaqeynta ka dhaxeysay ee Høyre, iyaga oo ku baaqay dagaal ka dhan ah soo jeedintaas.

Frp ayaa kasii digay in baarlamaanka ay ka keeni doonaa dood adag, marka soo jeedintan lasoo bandhigo.

Dhanka kale xisbiga Krf ee xukuumada Erna Solberg ku jira ayaa soo dhaweeyay arintan, iyaga oo sheegay inay aheyd arin xiligeedii kusoo aaday.

Xigasho/kilde: Frp raser mot Høyre: – En krigserklæring

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments