fredag, april 26, 2024

(Deg-deg): Booliska: Isku Gacan-qaad dhiig ku daatay oo ka dhacay masaajidka Towfiiq.

Sida ay daqiiqado kahor soo tabiyeen warbaahinta Norway oo soo xiganeyso booliska Oslo, labo qof oo dumar ah ayaa galabta isku dhex dagaalay masaajidka soomaalida ee Towfiiq.

Booliska ayaa sheegay inay galabta, abaare 17:40 galabnimo ay ku baxeen fariin ka timid masaajidka dhexdiisa, kuna saabsan dagaal dhexmaray labo qof oo dumar ah. Iyaga oo markaas booliska lagu wargaliyay inay jirto haweeney gacan-qaadka dartiis la suuxday, isla markaana uu dhiig badan ka baxayo.

Booliska ayaa warbaahinta u sheegay inay goobta uu falka ka dhacay ay ugu tageen haweenay sodomeeyo jir ah oo dhiig badan uu ka baxay, taas mid kamid ah faraheeda looga gooyay qaniinyo. Waxeyna raaciyeen inay si deg-deg ah haweeneydaan ugu kaxeeyeen isbitaalka.

Iyaga oo sidoo kale sheegay in qabteen, xabsigana u kaxeeyeen haweenay kontomeeyo jir ah oo ku eedeysan dhaawaca haweeneyda kale.

Booliska ayaa dhanka kale sheegay inay mudo baarayeen farta qaniinyada looga gooyay haweeneyda kale, markii danbena ay ku guuleysteen inay helaan.

Wali ma cada sababta dhalisay gacan ka hadalka ka dhacay masaajidka soomaalida ee Towfiiq, booliskuna wali ma bixin faah-faahin dheeri ah oo arintan ku saabsan.

Wixii kusoo kordha arintan dib ayaan kasoo galin doonaa.

Xigasho/kilde: Slåsskamp i moské: bet av kvinnes finger

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x