lørdag, april 20, 2024

Dalalkan ayaa Yurub ilaa hada lagu arkay viruska Corona.

Dalal badan oo ka tirsan Qaaradda Yurub ayaa shaaciyay in markii ugu horreysaydhulkooda lagu arkay hargabka CoronaVirus. dhammaan kiisaska ilaa hada Yurub lagu arkay, ayaa lala xiriirinayaa inuu sabab u yahay dalka Talyaaniga oo xanuunkan uu aad ugu faafay.

Waddamada Austria, Croatia iyo Switzerland ayaa sheegay in dadka laga helay cudurka ee dalalkooda ku sugan ay ahaayeen kuwo ka yimid Talyaaniga, sidoo kalena qaarkood ay ka yimaadeen Algeria oo ka tirsan qaaradda Afrika.

Ilaa hada dalka Talyaaniga waxaa cudurka u geeriyooday 12 qof, halka cudurka laga helay ku dhawaad sadex boqol oo qof. Faafitaanka cudurka ayaa saameyn xoogan ku yeeshay isku socodka dadka iyo baabuurta ee magaalooyinka waaweyn ee Talyaaniga, waxaana uu hakad galay qaar kamid ah duulimaadyadii tooska u tagi jiray dalkaas.

Marka laga tago Talyaaniga, wadamada kale ee Yurub cudurka ilaa hada lagu arkay. ayaa waxaa kamid ah:

  • Dalka Austria, lamaane da’ yar oo reer Talyaani ah ayaa la xaqiijiyay inay hargabka qabaan. Saraakiisha ayaa maanta oo Arbaco ah sheegay in sagaal qof oo kale la galiyay karantiil kaddib markii laga helay cudurka.
  • Switzerland mas’uuliyiinteeda waxay sheegeen in cudurka laga helay nin 70 iyo dhowr jir ah oo ku sugan magaalada Ticino ee xadka la wadaagta Talyaaniga. Ninkan ayaa 15-kii bishan February cudurka kasoo qaaday magaalada Milan ee dalka Talyaaniga. said a man in his seventies living in Ticino, bordering Italy, had
  • Nin ku sugan dalka Croatia oo dhawan kasoo laabtay Talyaaniga ayaa noqday qofkii ugu horreeyay ee lagu xaqiijiyay inuu cudurka ku dhacay dalkaas.
  • Jasiiradda ku taalla Spain ee lagu magacaabo Tenerife, ilaa 1,000 ruux ayaa lagu xiray hotel ay ku sugnaayeen, kaddib markii dhakhtar Talyaani ah iyo xaaskiisa laga helay cudurka.
  • Spain ayaa sidoo kale kiiskii ugu horreeyay ee caabuqa Corona kasoo tabisay gudaha waddanka, qofka cudurka laga helayna waa haweeney ku sugan magaalada Barcelona, oo dhawaan kasoo laabatay Waqooyiga Talyaaniga.
  • Giriigga ayaa xaqiijiyay kiiskii ugu horreeyay ee caabuqan ah, waxaana laga helay haweeney 38 jir ah oo kasoo noqotay safar ay dhawaan ku tagtay Waqooyiga Talyaaniga, sida ay wararku sheegeen.
  • Faransiiska iyo Jarmalka ayaa soo tabiyay kiisas cusub oo caabuqa Corona ah, waxaana laga helay dad kasoo laabtay safarro ay ku tageen Waqooyiga Talyaaniga.
  • Faransiiska ayaa sidoo kale shaaciyay dhimashadii ugu horreyay ee ka dhalatay caabuqan, kaddib markii nin 80 jir ah oo dalxiishe Shiineys ah uu horaantii bishan ku dhintay gudaha dalkaas.

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x