Dad qaba fayruska corona oo Sweden iyo Finland laga heley.

0
124

Kiiskii ugu horreeyay ee fayruska corona ee ka dillaacay dalka Shiinaha ayaa galabnimadii jimcaha laga heley gobolka Jönköping oo ka tirsan Sweden, sida ay cadeeyeen laamahan caafimaadka gobolkaas.

Shakhsiga fayruskan hargab u ekaha ah laga heley ayaa ah haweeney safar ku tagtay nawaaxiga carriga Wuhan ee dalka Shiinaha, hase yeeshee aan wax xannuun ah dareemeeyn xiligii ay Sweden ku soo laabatay. Haweenaydan ayaa la cadeeyay in aysan qabin xanuun ballaaran illaa hadda.

Dalka Sweden ayaa noqonanay wadankii labaad ee Nordica katirsan oo laga helo dad qaba cudurkaas dhawaan ka dilaacay dalka shiinaha, si aad ahna cabsi ugu abuuray dadyowga caalamka.

Hey´addaha caafimaadka Norway ayaa aad uga feejigan soo gaaritaanka faafista cudurkaas ee dalkan Norway. Iyaga oo sheegay in hadii laga helay dalalka dariska la ah Norway, ay sidoo kale suurtogal ay tahay in laga helo Norway gudaheeda shaqsiyaad qaba cudurkaas.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments