Bergen: Nin Norwiiji ah oo wiil soomaali ah mindi galiyay.

0
222

Fiidnimadii axada, 24-jir Norwiiji ah ayaa magaalada Bergen mindi ku galiyay nin soomaali ah, wuxuuna falkaas ka dhacay goob maqaaxi ah oo aan wax badan ka fogeyn senterka magaalada.

Sida ay qoreen warbaahinta lokalka ah ee Bergen oo soo xiganayo booliska magaaladaas, 24-jirka falkan geystay ayaa dhowr fal oo isku dayo dhac ah iyo hanjabaad ka geystay senterka magaalada. Kahor inta uusan la kulmin ninkan soomaaliga ah oo uu markii danbe mindida galiyay.

Sida ay noo xaqiijiyeen dad xog ogaal ah, 24-jirka cadaanka norwiijiga ah ee falkan geystay iyo dhibanaha soomaaliga ah ee uu dhaawacay, ayaa waxaa dhexmaray wada-sheekeysi caadi ah oo aan wax shaki ah la socon, kahor inta uusan si ulakac ah mindida u galin. Iyada oo naloo sheegay in 24-jirka Norwiijiga ah uu ku hadlayay af-soomaali jajab ah iyo Carabi kooban, uuna muuqaal ahaa u ekaa qof fur-furan.

Xaalada caafimaad ee dhibanaha soomaaliga ah ayaa hada ah mid soo hagaagtay, inkasta oo naloo xaqiijiyay in dhaawaca mindidu uu ahaa mid halis ah.

Booliska ayaa xabsiga dhigay ninka falkan geystay, waxeyna si kumeel gaar ah u xireen afar isbuuc oo ay falka danbiga ah ku baari doonaan, kahor inta aysan maxkamada hor keenin, isaga oo eedeysane ah. Waxeyna warbaahintu qortay in ninkan uu ilaa hada diidanyahay inuu booliska la hadlo, ama uu wareysi siiyo.

Ilaa hada boolisku ma cadeyn sababta dhabta ah ee ninkan ku kaliftay inuu falkan geysto, mana cada inuu ahaa fal cunsurinimo iyo mid isku dey dhac ah.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments