80% ayaa ku baasa imtixaanka qaadashada jinsiyada Norway.

0
128

Dowlada Norway ayaa sanadkii 2017 soo rogtay in dadka qaadanaya jinsiyada Norway ay galaan imtixaan lagu ogaanayo aqoonta luuqadeed iyo tan cilmiga bulshada ee qofka raba inuu noqdo muwaadinka Norwiijiga ah.

Sanadkii hore waxaa imtixaankaas galay 6367 qof, waxaana ku baasay ku baasay 80%, taas oo ka dhigan in shantii qof oo gasheyba, ay afar qof ku baaseen.

Imtixaankaas oo ka kooban 32 su´aalood oo wata jawaabo uu qofku kala dooranayo, ayaa horey cabasho uga muujiyay ururada ajaaniibta oo sheegay inuu aad u adagyahay. Si uu qofku imtixaankaas ugu baaso, waa inaad jawaab sax ah ka bixisaa 24 kamid ah 32-ka su´aalood.

Qofka gali doono imtixaankaas ayaa internetka ka heli karo su´aalo iyo jawaabo u eg imtixaanka uu gali doono uu kusii tababarto. Halkan kasii akhri.

Xigasho/kilde: En av fem stryker på statsborgerprøven i Oslo, viser nye tall

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments