fredag, mars 29, 2024

Xisbiyada mucaaradka: kuwo faraxsan iyo mid wel-welsan

Xisbiyada garabka bidix ee mucaaradka ayaa si aad ah usoo dhaweeyay go´aanka uu maanta xisbiga Frp uga baxay xukuumada ay hogaamiso Erna Solberg.

SV: Waxey rabaan inay ka cararaan dhibtii ay sababeen.

Gudoomiyaha xisbiga SV, Audin Lysbakken ayaa sheegay in go´aanka xisbiga SV uu yahay mid ay rabaan inay isaga fogeeyaan siyaasada xukuumada ay lixda sano qeybta ka ahaayeen, iyaga oo isku dayaya inay sameystaan waji cusub oo ay lasoo shir tagaan doorashada sanadka danbe ee 2021.

SV ayaa sheegay in frp ay isku dayayaan inay ka cararaan go´aanadii sababay inay waayaan taageerayaasha tirada badan, hadana ay rabaan inay iska fogeeyaan dhamaan howlihii ay qeybta ka ahaayeen kahor inta aan la gaarin doorashada 2021.

SV iyo xisbiyada kale ee yar-yar ee garabka bidix ayaa aad ugu qanacsan ka bixitaanka xisbiga Frp ee xukuumada, iyaga oo aaminsan in ugu yaraan laga badbaadi doono awooda fulinta ay xisbigaas heysteen lixdii sano ee ugu danbeeyay.

Ap: Waan go´aan wel-welkiisa leh.

Gudoomiyaha Xisbiga Ap ayaa, Jonas Gahre Større ayaa dhankiisa sheegay in go´aanka Frp ee xiligan lagu soo aadiyay uu yahay mid qalalaase abuuri doono, awoodna siin doono afkaarta garabka fog ee xisbiga Frp. Wuxuuna eed dusha uga tuuray reysulwasaare Erna Solberg, isaga oo ku eedeeyay in awoodii xukuumadeeda ay gabi ahaanba burburtay, ayna abuurtay qalalaalse siyaasadeed.

Xisbiga kale ee MDG ayaa dhankiisa iyaga soo dhaweeyay go´aanka Frp.

Rødt ayaa sheegay in go´aankaas uu yahay mid u fiican wadanka.

Halka KRF ay isugu imaan doonaan shir deg-deg ah oo ay uga hadli doonaan xaalada kusoo korortay xukuumada ay katirsanyihiin.

Xigasho/kilde: SV gleder seg over at Frp går ut av regjering

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x