torsdag, april 25, 2024

Xaqiijin:Gudiga khilaafaadka Oslo oo si kumeel gaar ah maamulka Towfiiq ugu xukumay mid kamid ah labadii koox ee is heysatay.

Sida ay xaqiijisay NorSom News, Gudiga khilaafkaadka madaniga ah ee magaalada Oslo (Oslo Byfogdembete) oo ah gudi ka hoos shaqeeya maxkamada darajada koowaad ee Oslo ayaa si kumeel gaar ah( midlertidig forføyning) kiiskii khilaafka maamulka masaajidka Towfiiq ugu xukumay mid kamid ah labadii gudi ee maamulka isku heysatay.

Gudiga sida kumeel gaarka ah loogu xukumay kiiska ayaa ah gudigii la doortay november 2018, balse laga diiday in laga diiwaangaliyo registerka dowlada, maadaama laga daba diray gudi kale oo ay doorteen guruub kale oo masaajidka xubno ka ah, kuwaas oo ka biyo diidsanaa hanaanka loo xulay xubnaha gudiga maamulka iyo isku dhafnaantiisa.

Go´aanka gudiga khilaafaadka Oslo ayaa soo baxay 17-kii bishan January, wuxuuna go´aankaas yimid, kadib markii qareen ka socday Towfiiq uu dacwad ka gudbiyay sagaalka qof ee katirsan gudiga kale ee masaajidka maamulkiisa kula hardamayay gudiga hada joogo iyo kii la doortay november 2018. Waxaana waraaqda xukunka ee soo baxday ku xusan in Towfiiq uu yahay dacwoodaha(Saksøker), halka sagaalka qof ee katirsan gudiga kale ay yihiin la dacweeyayaasha( Saksøkte).

10-kan qodob ka ogow gudiga khilaafaadka iyo xukunkiisa:

Waxey NorSom News diiwaanka go´aanada gudiga khilaafkaad Oslo ka heshay nuqul kamid ah xukunka gudiga khilaafaadka Oslo ee kiiska Towfiiq. Go´aankaas iyo dokumentiyada la socdo oo boqol gaarayo, ayaan waxaan halkan kusoo gudbineynaa 10-ka qodob ee ugu muhiimsan:

1: Byfogdembete(Gudiga khilaafaadka madaniga ah ee Oslo): Gudiga xukumay kiiska labada dhinac ee isku heysta maamulka Towfiiq, waa gudi u shaqeeyo qaab maxkamadeed oo kale, wuxuuna leeyahay qeybo kamid ah tilmaamihii maxkamada, balse aan aheyn maxkamad rasmi ah. Caadiyan kiisaska soo mara gudigan ayaa noqdo kuwo marka danbe ay maxkamada koowaad ee Oslo ay ka fariisato dhageysidooda, balse Wuxuu gudigan si kumeel gaar ah go´aan uga sii gaaraa kiisaska deg-deg ah ee aan wali maxkamada gaarin, laakiin go´aan kumeel gaar ah looga baahanyahay, si looga hortago dhaawac ama dhibaato weyn oo ka imaan karto hadii aan kiiskaas xiligaas la joogo wax laga qaban. Wuxuu inta badan gudiga ka shaqeeyaa kiisaska madaniga ah (Sivilsaker), inta badana ma qabto kiisaska danbiyada la xiriira(Straffersaker). Halkan kasii akhri.

2: Midlertidig forføyning: Xukunka ay gudiga khilaafaadka Oslo ka gaareen kiiska maamulka Towfiiq ayaa ah mid kumeel gaar ah ama dhiig joojin ah (Midlertidig forføyning), inta la sugayo go´aan maxkamadeed oo sharciyeysan ama labada dhinac ee is dacweeyay ay si kale xal iyagu iskood u gaarayaan. Ilaa laga helo go´aan maxkamadeed oo badala kan kumeel gaarka ah, waxaa sii shaqeynayo ama la fulinayaa xukunka kumeel gaarka ee gudiga khilaafaad Oslo . Halkan kasii akhri.

3: Labada dhinac hal dhinac ayaa la dhageystay: Sida ku xusan xukunka kasoo baxay gudiga khilaafaadka Oslo, waxey go´aanka gaareen kadib markii ay dhageysteen dacwada mid kamid ah labada dhinac ee is heystay, oo ah guruubkii dacwada usoo gudbiyay gudiga, Iyada oo aan jaanis la siin ama aan la dhageysan dacwada ama isdifaacista dhinaca kale. Waxaana taas lagu sababeeyay in looga hortagayay inuu imaado dhaawac weyn oo masaajidka iyo shaqooyinkiisa soo gaari karay, kuwaas oo imaan karay hadii ururka masaajidka maamula laga tirtiro registerka ururada diimaha.

Gudiga khilaafkaadka Oslo ayaa awood u leh inay xukun go´aamiyaan, iyaga oo aan dhageysan dhinaca kale ee laga dacwoonaya, hadii dacwad oogunu uu gudiga usoo gudbiyo sababo caqli gal ah oo go´aan deg-deg ah loogu baahnaan karo. Waana mid kamid ah tilmaamaha go´aanada kumeel gaarka ah ama dhiig joojinta ah(Midlertidig Forføyning), kuwaas oo loogu talagalay in looga gudbo xaalad halis ah oo markaas dhibaato weyn ay ka imaan karto, ilaa laga helayo xukun maxkamadeed oo isaga badala, ama si kale arinta ay xal uga gaarayaan dadka is dacweynayo.

4: Afartan qodob ayaa Towfiiq loo xukumay: Sida ku xusan xukunka oo aan nuqulkiisa helnay, Waxuu dacwad ooguhu oo ah masaajidka Towfiiq codsadatay afartan qodob oo dhamaantood loo ogolaaday, ilaa laga helayo racfaan xukunka ku saabsan ka imaada dhinaca kale ama xukun maxkamadeed oo isaga badala.

  • a) Wuxuu dacwad ooguhu codsaday(Towfiiq) in sagaalka qof ee gudiga kale katirsan aysan matali karin masaajidka Towfiiq.
  • b) Wuxuu dacwad ooguhu codsaday(Towfiiq) in sagaalka qof ee gudiga kale katirsan aysan hey´addaha dowlada u diri karin waraaqo is diiwaan galin gudi.
  • C) Wuxuu dacwad ooguhu(Towfiiq) codsaday in sagaalka qof ee katirsan gudiga kale ay ogolaadeen ama ay u dulqaataan in la diiwaan galiyo gudigii la doortay november 2018, mar kalena la sheegay in kalsoonida loo cusbooneysiiyay november 2019 laga diiwaan galiyo brunnsøynd registerterka.
  • D) Wuxuu dacwad ooguhu codsaday in la dacweeyayaashu(Saksøkte) ay bixiyaan lacagta qarashaadka ah ee diyaarinta kiis dacwadeedkan uga baxday dacweeyaha(saksøkte), lacagtaas oo dhan 38 930 kr, waxaana raacsan qarashka dhageysiga maxkamada oo ah 2930, isku dar waa 41, 860 kr.

Xukunka gudiga khilaafaadka Oslo ayaa Afartan qodob ama codsi u xukumay dacwoodaha oo ah masaajidka Towfiiq, weyna dhaqan-gali karaan si kumeel gaar ah ilaa dhinaca kale (la dacweeyayaashu) ay racfaan ka qaataan ama la helo xukun maxkamad sharci ah oo badala. Sidoo kale wuxuu xukunku sii qeexayaa in labada dhinac ee is dacweynayaa ay dhexdooda ay heshiis gaari karaan.

5: Qodobka § 34-2.(Sannsynliggjøring av krav og sikringsgrunn): Gudiga khilaafaadka Oslo ayaa go´aankooda xukunkan u cuskuday qodobka 34-2 ee sharciga khilaafaadka madaniga ah. Qodobkan ayaa caadi ahaan loo adeegsadaa ka hor tagista tusaale ahaan dhaawac soo gaari kara hanti ma guurto ah oo labo qof oo lahaanshihiisa isku heysta ay isku dacweeyaan. Waana qodob si kumeel gaar ah usii shaqeeyo inta laga helayo sharci kale oo badala. Halkan kasii akhri. : Lov om mekling og rettergang i sivile tvister (tvisteloven)

6: Shirkii dhacay 17. November 2019: Mid kamid waxyaabaha ugu xoogan ee qareenka matalayay Towfiiq oo lagu magacaabo Cathrine Møller ay ku dhistay kiiska dacwada ah, oo ay ka gudbisay gudiga kale, ayaa ah shir iyo doorasho ay qeexday inay masaajidka Towfiiq ka dhaceen 17-kii November, kaas oo ku dhistay dacwadeeda in mar kale kalsoonida loogu cusbooneysiiyay doorashada gudigii horey loo doortay november 2018.

Doorashada ay qareenkan ku qeexday go´aankeeda ah ayaa ah tii uu buuqa ka dhashay ee is qabqabsiga tirada badan ay ka dhex dhacday. Taas oo muujineyso in go´aanka gudiga khilaafaadka Oslo aysan waqti badan iyo xog uruurin tiro badan ka sameyn kiiska ay xukumeen, balse ay wax ku xukumeen dacwad ay hal dhinac usoo gudbiyeen oo ay ku qanceen.

7: Hanaanka doorashada iyo shirweynaha: Mid kamid ah waxyaabaha markii hore dhaliyay khilaafka maamulka Towfiiq ee soomaalida dhexdeeda ah, ayaa ahaa qaabka la isku doorto, xeerka masaajidka iyo arrimaha la xiriira. Qareenka matalayay Towfiiq ayaa kiiska si fiican uga dul dhistay xeer la ansixiyay 2016, iyada oo horey iyo gadaalba dhankeeda ka cadeysay in doorashadii dhacday 2018 ay aheyd mid waafaqsan xeerarka masaajidka u yaalay iyo dhaqamadii soo jireenka ahaa ee masaajidka maamulkiisa lagu dooran jiray, tan iyo aas-aaskii hore. Waxeyna dacwadeeda ku muujisay in gudiga kale ay iskood u sameeyeen gadood, iyaga oo marin xeerarkii masaajidka u yaalay, waxeyna sheegtay iney heysteen wadooyin kale oo ay mari kareen oo ka duwan diiwaan galinta gudiga kale oo ay sameeyeen.

8: Xal ma noqon karaan xukunkan: Haa iyo Maya. Haa, waxaa dhici karto in hadii qolada kale aysan racfaan dirin ama dacwad tan ka xoogan aysan dirin hey´addaha dowlada, uu si kumeel gaar ah mudo kooban masaajidku uga baxo ciriiriga maaliyadeed iyo kan maamul ee soo wajahay bilihii ugu danbeeyay. Balse sida muuqato ma noqon karo xal waara oo soomaalida dhexdeeda ka dhaqangali karo mustaqbalka dheer.

Gudiga khilaafaadka Oslo wuxuu go´aankiisa ku saleeyay qodobka isku heysiga hantidada ma guurtada ah ee gaarka loo leeyahay, taas oo labo qof midkood si kumeel gaar ah loogu xukumo. Balse masaajidku fahan ahaan wuxuu ka duwanaan karaa hanti gaar loo leeyahay oo kale, maadaama uu yahay meel ka dhaxeyso 8000 oo xubnood oo xaq iyo waajibaadba leh.

9: Heshiisiintii maraakiista: Xiliga uu soo baxay xukunka gudiga khilaafaadka Oslo oo aheyd dhamaadka isbuucii hore, waa gabo-gabo marayay heshiisiin ay wadeen maraakiista Norway. Kaas oo sida naloo sheegay marayay wareegii ugu danbeeyay oo labada gudi ee is heystay ay ku heshiiyeen qodobo ay aheyd inay saxiixaan, kadibna dhaqangaliyaan.

Kadib markii uu soo baxay xukunkan, waxaa timid xaalad cusub oo labada gudi uu midba dhankooda u booday, iyada oo mid walba uu si cusub oo isaga qancisay u fasirtay xukunka soo baxay, ayna gudi walba dhankooda u sameynayaan talaabooyin ay ku dhaqan-galiyaan ama kaga hortagaan qodobada xukunka. Waxaana ay xaaladu u muuqataa in khilaafka Towfiiq uu dib ugu noqday meeshii uu taagnaa sanad kahor, inta aysan dhicin doorashadii 2018 ama wixii ka danbeeyay.

10: Dacwadaha maxkamada iyo waraaqaha qareenada hala soo celiyo: Gudiga heshiisiinta ee maraakiista ayaa markii koowaad ee howsha dhex-dhexaadinta ay galayeen sheegay inay labada gudi ee is heystay ay ku dhaariyeen inay daacad ka yihiin howsha dhex-dhexaadinta, ayna dhamaan hey´addaha dowlada iyo qareenada kasoo celin doonaan waraaqadaha loo diray, si loo helo niyadsami lagu wadi hadli karo. Loogana badbaado in kiiska uu gacmaha soomaalida ka baxo.

Sida ku xusan dacwada ay dirtay qareenka Towfiiq, waxaa kiis-dacwadeedka la diray shan maalin kahor inta aysan howsha soo dhex-galin gudiga maraakiista, dibna aan looga soo celin kadib inta ay socdeen isku soo dhaweynta ay qarashka iyo waqtiga tirada badan ku bixiyeen gudiga maraakiista.

Sida muuqato waa is dhinac socday labo howlood, mid dib u heshiisiin soomaalid dhexdeedada ah oo gudiga maraakiista Norway ay wadeen iyo mid gudiga khilaafaadka madaniga ah ee Oslo ah oo hal dhinac ay dacwad u dirsadeen ah. Waxey natiijadooodu kusoo beegmeen isku waqti.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x