Wasiirka qoyska Raali-galin ha siiyo hooyooyinka loo xukumay kiisaska barnevern-ka

0
132
Foto: KRF

Maxkamada xuquuqul insaanka Yurub ee dalka Faransiiska kutaal ayaa bilihii lasoo dhaafay dhowr kiis oo ku saabsan hey´adda barnevernka ku xukuntay dowlada Norway. Waxeyna maxkamadu dowlada Norway ku eedeysay inay jabisay xeerka xuquuqul insaanka qodobada ka hadlaya qoyska iyo xuquuqda ilmaha ee la xiriirka waalidkiisa.

Mid kamid ah shanta kiis ee dowlada Norway lagu xukumay ayaa waxaa kamid ah kiiska hooyo soomaali ah oo lagu magacaabo Mariya Cabdi, taas qoxootinimo Norway kusoo gashay iyada oo 16 sano jir ah. Halkan kasii akhri kiiskaas(Riix), halkana ka akhri dareenkada hooyada.

Ap: Wasiirka qoyska raali-galin ha siiyo waalidkaas.

Wasiirka qoyska Norway ayaa horey loogu baaqay inuu raali-galin siiyo, hooyooyinka iyo waalidiinta kiisaska ay u xukuntay maxkamada Yurub. Balse wasiirka ayaa ka warwareegay inuu arintaas raali-galin toos ah ka bixiyo. Halkan ka akhri

Xisbiga Ap oo ah xisbiga ugu weyn xisbiyada mucaaradka ayaa wasiirka qoyska ka codsaday inuu raali-galin siiyo, lana kulmo hooyooyinka ay maxkamadu kiisaska u xukuntay. Iyaga oo wasiirka ku eedeeyay inuu qaab isla weyni ah ula dhaqmay waalidiintan, markii ay ka dalbadeen raaligalinta dowlada uu matalo.

Qaar kamid ah hooyooyinka kiisaska loo xukumay ayaa dowlada ku eedeeyay ineysan wali ka helin raaligalin iyo garawsiiyo ku saabsan kiisaska loo xukumay, kuwaas oo ay sheegeen inuu dhaawacyo qoys ahaaneed iyo mid qof ahaaneedba gaarsiiyay waalidiintaas.

Xigasho/kilde: Krever at Ropstad ber om unnskyldning

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments