(Xusuusin): Oslo- Kasoo qeybgal bandhiga maalgashiga guryaha ee xaafada New Gorowe.

0
265

Waxaa dhamaan dadka ku dhaqan Norway, gaar ahaan Oslo iyo agagaarkeeda lagu wargalinayaa in maalinta isniinta ah ee isbuuca soo socdo(27-01-2020), magaalada Oslo lagu soo bandhigi doono mashruuca maalgashiga guryaha ee xaafada New Gorowe.

Waxaana bandhigan sameyn doono shirkada Amal bank, qeybteeda Soomaaliya. Waxaana bandhigan maalgashiga xaafada cusub ee New Gorowe lagu sameeyay(sameyn doonaa) magaalooyin badan oo Soomaaliya, Yurub, Carabaha iyo Ameerika ah.

Bandhigan ayaa loogu tala-galay inuu noqdo fursad maalgashi ama iibsasho guryo uu qofku lacagta iska yar-yareyn karo. Hoos ka daawo muuqaalka dhismayaasha dhismaha mashruuca xaafada New Gorowe iyo shirkada Amal Bank Soomaaliya. Waxeyna bulshada reer Oslo iyo guud ahaan reer Norway markan fursad u heli doonaan inay helaan xogta dhismayaasha iyo guryaha mashruucan, fursadihiisa maalgashi iyo waliba guud ahaan qaabka ay u shaqeeyaan suuqyada maalgashiga guryaha ee Soomaaliya(Hoos ka daawo muuqaal kooban).

Bandhiga ayaa ka dhici doono hoolka shirarka ee hotellka Anker, maalinta isniinta ah, taariikhduna ay tahay 27-ka bishan January ee sanadka 2020. Wuxuuna bilaaban doonaa saacada 16:00 galabnimo. Faah-faahin ka fiiri sawirka kore.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments