TV2: Norway waxey Jabuuti kala hadashay celinta jabuutiyaanka Norway kunool.

0
131
Foto: Booliska Jabuuti

Sida uu maanta fashiliyay muuqaal baahiyaha TV2, madaxa booliska Norway, qeybtooda qaabilsan arrimaha soo galootiga iyo qoxootiga(PU) ayaa socdaal ku tagay dalka Jabuuti, si ay Norway jabuuti ula gasho heshiin dib loogu celinayo dadka kasoo jeedo dalka Jabuuti, ee sida ay Norway sheegeyso magacyo iyo aqoonsiyo kale Norway ku joogo.

Sida uu TV2 shaaciyay, madaxa booliska PU, Arne Olav Jørgensen ayaa kulan la qaatay taliyaha booliska dalka Jabuuti, General Cabdulaahi Cabdi Faarax. Waxeyna booqashadan oo qaadatay afar maalin dhacday intii u dhaxeysay 14 iyo 19-ka bishii September ee sanadkii 2019.

PU ayaa sheegtay in wafdi ka socdo dowlada Jabuuti ay sanad kahor tababar ku qaateen Norway, iyaga oo la baray qaabka loo ilaaliyo xuduudaha, qaabka hubinta cadeynta macluumaadka shaqsiyaadka iyo qalabka ay adeegsadaan booliska Norway iyo aqoonta boolis ee lagu dhigo iskuulada booliska Norway. Waxeyna sheegeen in booqashada madaxa PU uu ku tagay Jabuuti ay aheyd lasii socoshada wada shaqeyntaas ka dhaxeyso booliska labada dal.

PU: Waxaan kala hadalnay xaqiijinta macluumaadka shaqsiyaadka.

Madaxa booliska Norway, qeybtooda qaabilsan ajaaniibta, Arne Jørgen Olafsens oo TV2 la hadlay ayaa sheegay inay Jabuuti kala hadleen arimo ay kamid yihiin keydka diiwaanka dadka u dhashay dalka Jabuuti(Folkeregister), diiwaanka dadka heysto baasaboorka dalka Jabuuti iyo waliba suurtogalnimada dib u celinta dadka wadankaas u dhashay ee aqoonsiga beenta ah Norway ku joogay.

Norway ayaa aaminsan inay dalkeeda joogaan boqolaal u dhashay dalka Jabuuti, kuwaas oo sheegtay oo magangalyo ku helay inay Soomaaliya kasoo jeedaan. Waxeyna sheegeen in hadii ay wadashaqeyn dhexmarto Jabuuti iyo Norway ay fududaan karto in la cadeeyo aqoonsiga saxda ah ee dalkaas, dibna loogu celiyo wadankoodii.

Ninka xukuma PU-da Norway ayaa booqashada jabuuti ku tilmaamay inay aheyd mid lagu guuleystay, uuna soo dhaweyn wanaagsan kala kulmay dowlada jabuuti iyo xarumaha uu booqday. Isaga oo raaciyay inay marar kala duwan ku noqon doonaan dalkaas, si ay howshaas usii wadaan.

Isla muuqaal baahiyaha TV2 ayaa sheegay in Jabuuti ay tahay dalka kali ah ee madaxa booliska ajaaniibta qaabilsan ee Norway uu booqasho shaqsiyeed ku tagay, isaga oo heshiis celin ah saxiixiisa raadinayo.

Xigasho/kilde: Politisjefen reiste selv til Djibouti for å få returavtale

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments