TV: Norway waxey Jabuuti kala hadashay kiiska Mahad Abiib.

0
176
Mahad Abiib Foto: NorSom News

Muuqaal baahiyaha TV2 ayaa shaley sheegay in madaxa booliska Norway, qeybtooda qaabilsan arrimaha soo galootiga(PU) uu sanadkii hore booqasha qaadatay afar maalin ku tagay dalka Jabuuti. Isaga oo kala hadlay Jabuuti inay Norway ka caawiso xaqiijinta dadka u dhashay dalkeeda ee sida ay Norwey sheegeyso aqoonsiyada kale Norway isaga dhiibay. Halkan kasii akhri.

Sida uu TV2 sheegay Mid kamid ah dadka ay Norway aaminsantahay inuu Jabuuti kasoo jeedo, balse ay Jabuuti diiday inay qaabisho, ayaa ah Mahad Abiib oo dowlada Soomaaliya ay horey u sheegtay inuu yahay muwaadin dalkeeda u dhashay.

TV2 ayaa madaxa PU weydiiyay dhowr su´aalood oo la xiriira kiiska Mahad Abiib, balse madaxa PU ayaa diiday inuu su´aalahaas si toos ah uga jawaabo. Isaga oo sheegay inuusan ka hadli karin kiis la xiriira shaqsi, balse uu ka hadli karo arrimaha guud oo ay ka wada hadleen.

Muuqaal baahiyaha TV2 ayaa sheegay in la aaminsanyahay in Norway ay kiiska Abiib kala hadashay Jabuuti.

Maxkamada sare ee Norway ayaa horey u diiday inay dhageysato racfaanka Mahad Abiib oo horey looga guuleystay maxkamada hoose iyo dhexe ee systemka cadaalada Norway.

Sidoo kale Abiib ayaa sheegay inuu aabihii ahaa captan katirsanaa ciidankii xooga dalka Soomaaliya, xiligii uu Soomaaliya ka talinayay Siyaad Barre, wuxuuna keenay markhaati furka dhowr general oo saaxiib la ahaa aabihii cadeeyayna aqoonsiga aabaha Mahad.

Balse Norway ayaa dhankeeda ku adkeysatay in Abiib uu yahay muwaadin u dhashay dalka Jabuuti, inkasta oo ay ku guuleysan waayeen inay Abiib ku celiyaan dalka Jabuuti.

Xigasho/kilde: Nekter å svare på spørsmål om Mahad

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments