Trump: Bilada Nopel-Peac-ka anaa ka mudnaa Aby Ahmed.

0
110

Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa isaga oo la hadlayo koox taageerayaashiisa ah sheegay in isagu uu sanadkii tagau ee 2019 uu mudnaa in la gudoonsiiyo bilada nabadda aduunka ee Nobel Peace Prize-ka. Balse taas badalkeeda lagu sameeyay xaqdaro, biladiina la gudoonsiiyay qof uu isaga ka mudnaa.

Trump ayaa sheegay inuu maqlay in biladii la gudoonsiiyay nin xukuma wadan uusan magaciisa sheegin, balse loo fasirtay inuu ka wado reysulwasaaraha Ethiopia, Dr Aby Ahmed. Laguna gudoonsiiyay shaqo uu isagu Trump ahaan xoogeeda ka shaqeeyay, abaalkeedana uu lahaa.

Madaxweyne Donald Trump oo lagu yaqaano inuu yahay qof jecel amaanta ayaa dadkii uu la hadlayay weydiiyay: ma ogtihiin inaan anigu sanadkan mudnaa in la i gudoonsiiyo bilada nabada aduunka, balse taas badalkeeda ay siiyeen qof ay sheegeen inuu ku muteystay shaqo aan anigu qabtay? Wuxuu sii raaciyay: Dhib maleh, hadaad idinku ii ogtihiin taas.

Aby Ahmed: Oslo dacwo u diray.

Reysulwasaaraha Ethiopia, Dr Aby Ahmed oo markii ugu horeysay maanta ka jawaabay sheegashada Madaxweyne Trump ayaa sheegay in isagu shaqsi ahaan uusan ka warqabin habraaca loo maro bixinta bilada nabada aduunka. Isaga oo sii raaciyay in hadii uu Trump dacwo ka qabto arintaas, uu dacwo u dirsato Oslo, intii uu Ethiopia isku dhajin lahaa.

Aby Ahmed ayaa bilad ku helay ka shaqeynta heshiiska taariikhiga ahaa ee dhexmaray Ereteriya iyo Ethiopia, sidoo kale inuu dabciyay xiriirka sii xumaanayay ee Masar iyo Ethiopia. Isaga oo lagu amaanay inuu xabsiyada Ethiopia kasoo daayay boqolaal maxaabiis ah oo u xirnaa arrimo siyaasadeed.

Xigasho/kilde: Fredsprisvinner Abiy: – Trump bør klage til Oslo

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments