Soomaalida Oslo oo wali ku heshiin la´xalka khilaafka masaajidka Towfiiq.

0
143

18-kii bishii Desember ee na dhaaftay ayuu xafiiska gudoomiyaha gobolka Oslo waraaq digniin ah u diray soomaalida isku heysata masaajidka Towfiiq maamulkiisa. Waxaana uu xafiisku ka digay in ururka masaajidka maamula ee Tawfiiq Islamisk Senter laga tir-tiri doono liiska ururada diimaha ee gobolka ka hela taageerada dhaqaale iyo ogolaanshaha leysinka urur diimeed.

Xafiiska Oslo ayaa shan isbuuc oo hada 2 isbuuc ay ka baxeen (5-2) siiyay soomaalida isku heysata maamulka masaajidka, si ay xal uga gaaraan khilaafka. Hadii ay intaas jawaab ku waayaana, ay ka fiirsan doonaan in TIS laga tirtiro liiska ururada diimaha. Xafiiska ayaa arintaas ku sababeeyay ineysan wali ogeyn maamulka saxda ah ee masaajidka Towfiiq, maadaama waraaqo is khilaafsan ay ka heleen labo kooxood oo soomaali ah, kuwaas oo mid walba gaarkiisa u sheeganayo inuu yahay maamulka saxda ah ee Towfiiq.

Drammen: Wadahadal xal raadis ah:

Sida ay NorSom News ogaatay, ururka ay mideysanyihiin masaajida Norway ee Maraakiista, ayaa labadii isbuuc ee lagu jiray fasaxa dhamaadka sanadka, ku howlanaa inay isku soo dhaweeyaan labada kooxood ee soomaalida ee maamulka masaajidka isku heysta.

Masaajidka Drammen oo ah masaajidka labaad ee ugu weyn oo ay soomaalidu ay ku leedahay Norway, ayaa qaatay masuuliyada gogol u dhigista labada koox ee soomaalida ah ee is heysatay. Waxaana naloo xaqiijiyay in labadii isbuuc ee tagay si is dabo joog ah kulamo gaar gaar ah loola yeelanay kooxaha is heysta, si loo helo xal dhex-dhexaad oo lagu badbaadin karo maamulka masaajidka oo hada qarka u saaran in laga tirtiro liiska ururada diimaha.

Ilaa hada ma jirto wax war ah oo kasoo baxay maraakisya howshan isku xil saaray iyo masaajidka Drammen oo howsha inteeda badan dhabarka u ritay. Walina lama ogo in lagu guuleystay in xal laga gaaro khilaafkan soomaalida dhexdeeda ah oo ragaadiyay howlihii masaajidka labadii sano ee ugu danbeysay, hada sababi karo in gabi ahaanba ururka masaajidka la tirtiro, sida uu ka digay xafiiska gobolka.

Dhalinyaro iyo hooyooyin abaabul kale wado:

Sida ay NorSom ogaatay, waxaa dhanka kale jiro abaabul ay wadaan dhalinyaro masaajidka waqti badan howlihiisa qeyb ka ahaa, kuwaas oo sheegay inay wadaan abaabul ku saabsan in labada koox ee is heysata meesha laga saarp, taladana lagu celiyo xubnaha masaajidka oo awooda ugu badal ku leh maamulka xuquuq ahaan. Si ay badbaadinta masaajidka iyo mustaqbalkiisaba go´aan uga gaaraan, ama saameyn ugu lahaadaan xalka la raadinayo.

Dhalinyaradan ayaa sidoo kale naloo sheegay inay garab socdaan hooyooyin badan oo masaajidka xubno ka ah, kuwaas oo labada koox ee is heysata ku daalay khilaafkooda.

Khilaafka masaajidka ayaa nabar xanuun badan ku ah qof walba oo Oslo ama Norway degan, waxaana ilaa hada dhagta loo wada taagayaa xalka kasoo baxa gogosha ay maraakistu dhigeen Drammen, ama abaabulka ee dhalinyarada. Sadex isbuuc ayaa hada ka dhiman xiligii uu gobolka siiyay soomaalida is heysata, si ay xal u gaaraan.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments