Solberg oo u mahadcelisay Frp, kana baaqatay safar ay u bixi laheyd.

0
100
Foto: Regjeringen.no

Xisbiga Frp ayaa maanta soo saaray go´aan ay ku sheegeen inay isaga bixi doonaan xukuumada ay hogaamiso reysulwasaare Erna Solberg. Waxeyna sheegeen inay ku biiri doonaan xisbiyada mucaaradka, balse ay wali kalsoonida hogaaminta dowlada Norway ay deyn doonaan Erna Solberg.

Reysulwasaaraha oo go´aanka Frp kadib shir jaraa´id qabatay ayaa xisbiga Frp uga mahadcelisay sanadihii ay xukuumada ku wada jireen iyo shaqooyinkii waaweyn oo ay qabteen. Iyada oo raacisay inay qadarineyso go´aanka xisbiga Frp iyo aragtidiisa xisbi ahaaneed ee ku aadan go´aamada qaarkood.

Solberg ayaa sii raacisay inay muhiim tahay in mararka qaarkood kiisaska qaarkood laga fiiriyo dhinacyo badan, kahor inta aysan xukuumadu qaadan, go´aan ay ka dhalan karaan qalalaase siyaasadeed. Sidaas darteed ay iyada ku adkeyneysaneyso wali in dowladu ay saxsaneyd go´aankii Norway dib loogu soo celiyay haweenay Daacish ku biirtay iyo ilmaheeda.

Reyslwasaaraha Norway ayaa maanta ka baaqatay shirka madasha dhaqaalaha aduunka oo sanad walba xiligan oo kale lagu qabto magaalada Davoz ee dalka Switzerland.

Xigasho/kilde: tatsminister Erna Solberg (H) sier at det ikke var mulig for henne og Høyre å handle av hensyn til ro i regjeringen.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments