Reysulwasaaraha Norway, Erna Solberg ayaa afar maalin kadib markii xukuumadeeda uu ka baxay xisbiga Frp si deg-deg ah kusoo dhistay gole wasiiro oo buuxiya boosaskii ay baneeyeen wasiiradii Frp.

Solberg ayaa soo magacowday 20 wasiir oo 12 kamid ay xisbigeeda ka socdaan, halka labada xisbi kale ee Venstre iyo Krf la siiyay midba 4 wasiir.

Golaha cusub ee Solberg ayaa isugu jiro kuwo horey xukuumadeed uga tirsanaa oo xilal cusub helay, kuwo xilalkoodii hore sii hayo iyo kuwo cusub oo banaanka laga keenay.

Abid Raja iyo Knut Arild:

Labada wasiir ee magacaabistooda aad loo hadalhayo ayaa ah Abid Raja oo katirsan xisbiga Venstre oo loo magacaabay wasiirka dhaqanka iyo Knut Arild oo loo magacaabay wasiirka gaadiidka. Knut ayaa horey u ahaan jiray gudoomiyaha Krf.

Halkan kasii akhri golaha cusub ee wasiirada Erna Solberg.

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

avatar

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

  Subscribe  
Notify of