Siyaasi katirsan SV oo gurigiisa laga helay sawiro iyo muuqaalo xadgudub caruur.

0
98
Illustrasjonsfoto: Glennstangeland/Wikimedia Commons.

Booliska gobolka Østfold ayaa sanadkii 2018 baaritaan ku sameeyay guriga siyaasi katirsan xisbiga SV, kaas oo la sheegay inuu xilal sare iyo jagooyin muhiim ah uu kasoo qabtay xisbiga SV.

Booliska ayaa guriga siyaasigan kasoo helay sawiro iyo muuqaalo sharci daro ah oo muujinayo caruur aad u yar-yar uu xadgudubyo galmo ah lagula kacayo. Waxeyna boolisku guriga siyaasigan kasoo heleen isku dar 1300 sawir iyo muuqaal.

Sawiradan iyo muuqaaladan ayaa ninkan siyaasiga ah oo da´diisa lagu sheegayo 50-meeyo jir, ugu keydsanaa mobilkiisa, computerkiisa, USB iyo waliba DVD-yaal guriga la helay. Sidoo kale booliska ayaa gurigiisa helay qoraalo iyo sheekooyin ku saabsan xadgudub loo geysanayo caruur.

Muuqaalada qaarkood ayaa muujinayay caruur da´doodu ay qaarkood gaareyso 10 sano iyo kasii yar oo loo geysanayo xadgudub galmo ah.

Ninkan ayaa iska casilay dhamaan xilalkii siyaasadeed ee uu hayay waxyar uun kadib, markii boolisku ay gurigiisa ka heleen sawirada iyo muuqaalada. Wuxuuna sheegay inuu isaga baxay siyaasada.

Maxkamadeynta ninkan ayaa bisha April ka bilaaban doonto maxkamada magaalada Moss.

Xigasho/kilde: SV-politiker tatt med overgrepsbilder av barn

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments