Siv Jensen oo Keshvarigii xirnaa kala wareegi doonto booska baarlamaanka iyo mushaarkiisaba.

0
86
Foto: Stillebilde/Youtube

Kadib markii xisbiga Frp uu shaley isaga baxay xukuumada reysulwasaare Erna Solberg, waxaa xilalka wasiirnimo wareejin doono wasiirada Frp katirsan ee kamid ahaa dowlada Norway.

Siv Jensen oo aheyd wasiirka maaliyada, ahna gudoomiyaha xisbiga Frp ayaa dhawaan wareejin doonto furaha wasaarada maaliyada, kadib marka ay Solberg soo magacaabato wasiir kale oo wasaaradaas la wareega. Jensen ayaa dib ugu noqon doonto kursigii baarlamaanka oo aysan tagin lixdii sano ee ugu danbeeyay.

Dastuurka Norway ayaa dhigaya in qofku uusan isku noqon karin xubin baarlamaan iyo wasiir, sidaas darteed Siv Jensen ayaa booskeedii baarlamaanka ku wareejisay Mezyar Keshvari oo ahaa qofkii ku xigay liiska musharaxiinta xubnaha baarlamaanka Frp ugu sharaxnaa magaalada Oslo.

Keshvari oo hada xabsi lagu xukumay, maxkamad kalena sugaya ayaa wali ku qornaa inuu yahay xubin baarlamaan, isaga oo qaadan jiray mushaarkiisa oo buuxa, maadaama uu qortay inuu fasax xanuun kaga maqanyahay shaqada baarlamaanka.

Balse Keshvari ayaa hada lumin doono xubinimada baarlamaanka iyo waliba mushaarkiisa iyo gunooyinka uu qaato, maadaama ay kursigeedii kusoo noqon doonto Siv Jensen oo uu booskaas usii hayay.

Xigasho/kilde: Frp-exit får konsekvenser for Carl I. Hagen og Mazyar Keshvari

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments