R.W Canada: Waxaan heynaa xog ku saabsan in diyaaradii dhacday lasoo riday.

0
140
Reysulwasaaraha Canada, Justin Trudeau, iyo wasiirka soomaaliga ee dalka Canada, Axmed Xuseen.

Dalalka Mareykanka, Canada iyo Ingiriiska ayaa sheegay in diyaaradii dhawaan kusoo dhacday Iran uu ku dhacay gantaal ay rideen ciidanka dalkaas.

Caddeymo ay heleen dalalkaas ayaa muujineysa in gantaal ay riday Dowladda Iran uu soo riday diyaaraddii Ukarine ee ay saarnaayeen dadka rayidka ah, taas oo ku dhacday duleedka caasimadda Tehran.

Ra’iisul wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Ingiriiska ayaa sheegay in loo baahan yahay in baaritaan qotodheer lagu sameeyo waxa sababay shilka diyaaradda oo ay ku dhinteen 176 qof ee saarnaa.

Trudeau ayaa sheegay in ay hayaan maclumaad dhanka sirdoonka ah oo ku aadan arrintaas.

«Caddeymo aan ka helnay sirdoonka xulafadeena iyo kuweenaba waxay muujinayaan in diyaaradda dhacday uu soo riday gantaal ay gantay Iran, waxayna arrinta ahayd mid si ula kac ah loo sameeyay», ayuu ra’iisul wasaaraha Canada.

Diyaaraddan oo ay leedahay shirkadda duulimaadyada ee dalka Ukraine ayaa dhacday saacado un kadib markii Iran ay weerartay saldhigyada Mareykanka ee gudaha dalka Ciraaq.

Sidoo kale warbaahinta Mareyknka ayaa tabisay in dowladda Iiraan ay si kama’ ah u soo ridday diyaaraddii rakaabka ahayd ee laga lahaa Ukraine.

Saraakiisha Dowladda Mareykanka ayaa sheegaya in diyaaradda Ukrainian International Airlines, oo nooceedu ahaa Boeing 737-800, uu ku dhacay gantaal, sida ay tabisay warbaahinta CBS.

Dowladda Ukraine ayaa goor sii horreysay sheegtay inay baaritaan ku heyso sababtii ay u dhacday diyaaradda iyo in uu soo riday gantaal.

Warbaahinta CBS oo soo xiganeysa saraakiil ka tirsan sirdoonka Mareykanka ayaa sheegtay in qalabka satellite ee hawada uu qabtay caddeymo muujinaya in diyaaradda uu gantaal ku dhacay.

Dhinaca kale, barnaamijka Newsweek oo soo xigtay saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga iyo sirdoonka Mareykanka iyo sidoo kale saraakiil kale oo ka tirsan sirdoonka Ciraaq ayaa sheegaya in diyaaradda Ukraine uu haleelay gantaal lagu farsameeyay dalka Ruushka.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Khamiistii sheegay «inuu shaki ka qabay» sababta ay diyaaraddaas usoo dhacday, wuxuuna yiri: «Qof ayaa laga yaabaa inuu khalad sameeyay».

Haseyeeshee Iiraan ayaa meesha ka saartay suurtagalnimada in gantaal uu ku dhacay diyaaraddaas, waxayna sheegtay in eedeymahaas ay yihiin dagaal maskaxeed oo ka dhan Iran.

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments