NRK oo war aan sax aheyn ka qoray kiiska Yaasmiin Kristensen.

0
129

Jimcihii lasoo dhaafay TV-ga qarankan Norway ee NRK ayaa qoray war ku saabsan in Yaasmiin Kristensen oo ah hooyo soomaali ah oo uu kiis kala dhaxeeyo hey´adda qoxootiga Norway, loo ogolaaday inay sii joogto Norway.

NRK ayaa qoray in la joojiyay go´aankii tarxiilka ahaa ee UDI-du ay rabtay, Kadib go´aan ay gaartay maxkamada racfaanka dalkan Norway. Waxaana qoraalka warkaas lagu faafiyay guruubyo baraha bulshada, gaar ahaan guruubyo badan oo taageero u ah qadiyada Yaasmiin iyo guud ahaan qoxootiga.

Laakiin dad badan ayaa su aal ka keenay in kiis ay go´aamisay maxkamada sare oo darajo ahaan ah mida qaanuun ahaan ugu sareyso Norway, ay badali karto maxkamada racfaanka oo ah maxkamada heerka darajada labaad. Arintan ayaa abuurtay dood iyo su´aalo la iska weydiiyo arintan.

NRK: Wuxuu ahaa war hore oo si qaldan loo soo galiyay.

Kadib xiriir lala sameeyay qoyska Yaasmiin iyo qareenkeeda, ayay cadeeyeen in warkaas uu ahaa mid hore oo aan hada aheyn. NRK-na uu si qaldan xiligan usoo galiyay. Wuxuuna warkaas soo baxay xiligii ay maxkamadu racfaanka ogolaatay in Yaasmiin laga joojiyo go´aankii tarxiilista.

Balse hey´adda qoxootiga ayaa racfaan ka qaadatay go´aankaas oo kiiska u gudbisay maxkamada sare. Maxkamada ayaana bil hore kiiska u xukuntay hey´adda qoxootiga.

Kiiskan ayaa hada ku maqan maxkamada xuquuqul insaanka Yurub ee fadhigeedu yahay Faransiiska.

NRK ayaa markii danbe ka saaray warkii qaldanaa oo ay soo galiyeen.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments