Norway: Xildhibaan la taliye ku shaqaaleysiiyay wiilkiisa.

0
84
Foto: Stortinget.no

Ulf Leirstein waa xildhibaan katirsan baarlamaanka Norway, horeyna u ahaan jiray xubin katirsan xisbiga Frp, kahor inta uusan xisbigaas isaga bixin sanad kahor.

Ulf ayaa hada si iskiis ah xisbi ahaan ugu jiro baarlamaanka Norway, wuxuuna dowlada ka helaa 400.000 oo taageero ah taas oo ka baxsan mushaarkiisa xildhibaanimo.

Qeyb kamid ah lacagtaas ayuu ku shaqaaleysiiyay wiilkiisa oo 24 sano jir ah, isaga oo ka dhigtay la taliye. Wuxuuna sabab uga dhigay shaqaaleysiinta in talada ugu fiican uu qofku ka heli karo xubnaha qoyskiisa. Xildhibaankan ayaa sheegay in arintan ay dadka qaar u arki karaan mid qaldan, laakiin aysan sharci ahaan aheyn wax qaldan, horeyna ay u dhici jirtay.

Ulf ayaa tusaale usoo qaatay in gudoomiyii hore ee xisbiga Frp, Calrl I Hagen uu hada kahor uu la taliye ku shaqaaleysiiyay xaaskiisa Eli Hagen.

Wiilkiisa oo 24 sano jir ah ayuu sheegay inuu yahay qof siyaasada aqoon fiican leh, kana dhex muuqdo, isaga oo sheegay in xitaa xiliyadii hore uu talada ka qaadan jiray wiilkiisa kahor inta uusan shaqaaleysiin.

Xigasho/kilde: Ulf Leirstein har ansatt sønnen på Stortinget

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments