Norway oo soo qaadeyso Hooyo Daacish ku biirtay iyo ilmaheeda oo xanuunsan.

0
108

Wasiiradda arrimaha dibadda Norway, Ine Eriksen Søreide ayaa maanta shaacisay in dowlada Norway ay soo qaadeyso haweenay Pakistaani-Norwiiji ah oo horey Daacish uga tirsaneyd iyo labo ilmood oo ay dhashay, kaas oo midkood uu xanuunsanyahay.

Baarlamaanka Norway ayaa horey isugu raacay in hooyadaas aan Norway loo soo qaadin, balse dowlada ayaa sheegtay inay go´aansatay inay ilmaha xanuunsan gargaar bini-aadantinimo loo fidiyo, sidaas darteedna qoyska dhan lasoo wado qaado. Halkan kasii akhri

Haweenaydan iyo caruurteeda ayaa xiligan ku sugan xero qoxooti oo kutaal gudaha dalka Siiriya, waxeyna bilihii ugu danbeeyay si isdabo joog ah usoo direysay fariimo ku saabsanaa in la badbaadiyo iyada ilmaheeda.

Dowlada Norway ayaa horey haweeneydan usoo jeedisay inay ilmaheeda usoo gacangaliso dowlada Norway, si ay u helaan xanaaneyn, iyadana ay halkeeda joogto. Laakiin hooyada ayaa ku adkeysatay in iyada iyo ilmaheeda la wada badbaadiyo intii la kala kaxeyn lahaa. Waxeyna sheegtay inay diyaar u tahay in Norway lagu xiro, ayna maxkamad marto, hadii loogu ogolaanayo inay ilmaheeda daaweyn iyo xaneenyn helaan.

hey´adda PST-da ayaa horey haweeneydan ugu eedeysay ku biiritaanka Daacish, waxeyna u badantahay in xabsiga la dhigi doono marka ay garoonka diyaaradaha Oslo kasoo degto.

Xigasho/kilde: Norge henter hjem IS-siktet norsk kvinne og hennes barn

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments