Maamulka Oslo: Xaafadaha ajaaniibtu ku badanyihiin, qoxooti lama dajinayo.

0
221
Reymond Johnsen Gudoomiyaha degmada Oslo

Sanadkan 2020 maamulka Oslo ayaa laga codsaday inay qaataan, dib u dajina u sameeyaan ilaa 120 qof oo qoxooti ah oo wadanka ku cusub, kuwaas oo laga soo qaadanayo kaamamka qoxootiga.

Sida uu sheegay gudoomiyaha Maamulka Oslo, Reymond Johnson, maamulka Oslo ayaa arintaas dowlada ka aqbalay. Balse wuxuu sheegay in qoxootiga cusub aan la dajin doonin xaafadaha ay ajaaniibtu ku badanyihiin, gaar ahaan Grorud, Stovner, Alna iyo Søndre Nordstrand.

64% dadka degan xaafada Grorud ayaa ah ajaaniib, Søndre Nordstrand waxaa ajaaniib ka ah 56%, halka Alna ay ajaaniibtu yihiin 54%.

Reymond ayaa arintan ku sababeeyay in magaaladu ay noqoto mid fidsan oo isku dhex milan, intii xaafadaha qaarkood ay ajaaniibtu isku urursan lahaayeen. Wuxuu eedeyn u jeediyay maamulkii ka horeeyay xiligiisa, isaga ku tilmaamay inay iyagu sababteeda lahaayeen in Oslo ay noqoto sida ay maanta ajaaniibtu u kala deganyihiin.

Xisbiga Frp, laantiisa Oslo ayaa arintan si weyn usoo dhaweeyay.

Xigasho/kilde: Stopper bosetting av flyktninger i bydeler med mange innvandrere.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments