Maalqabeen Norwiiji oo lagu heysto inuu baabuurkiisa jiirsiiyay wiil 3 sano jir ah.

0
81
Foto: Wikipedia.

 Fred. Olsen oo kamid ah shaqsiyaadka ugu taajirsan dalkan Norway, ayaa lagu eedeeyay dacwad la xiriirta inuu baabuurkiisa marsiiyay(jiirsiiyay) wiil sadex sano jir ah.

Falkan ayaa dhacay maalinta sanadka cusub ee kowda January, waxeyna boolisku leysinka baabuur wadista ka qaadeen maalqabeenkan oo da´diisu ay hada mareyso 91 sano jir. Iyaga kusoo oogay dacwad la xiriirta inuu jabiyay xeerarka wado marista.

Xaalada wiilka 3 sano jirka ah ee odeygan taajirka ah uu baabuurka jiirsiiyay ayay boolisku ku sheegeen mid aan halis aheyn, xaaladiisuna ay tahay mid wanaagsan.

Fred Olsen ayaa kasoo jeedo qoys taariikh ahaan caan ku ah ka ka ganacsiga maraakiibta, wuxuuna xiligan kamid tahay 20-ka qof ee ugu taajirsan Norway.

Qoraal uu 91-jirkan u diray warbaahinta ayuu ku sheegay sida uu uga xunyahay falka dhacay. Booliska ayaa sidoo kale cadeeyay in baabuurka uu F Olsen watay uu ahaa nooca qaaliga ah ee Tesla.

Xigasho/kilde: Skipsreder Fred. Olsen siktet etter å ha kjørt på gutt (3)

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments