Kiiska gabar soomaali ah iyo haweenay 70-jir Norwiiji ah oo maxkamada sare gaaray.

0
144
Illustrasjonsfoto: Glennstangeland/Wikimedia Commons.

Maxkamada sare ee dalkan Norway ayaa u fariisaneyso kiiska haweenay 70-meeyo jir ah oo barta Facebooga qoraal cunsuriyad iyo meel ka dhac cunsurino jinsiyadeed ah ugu qortay gabar soomaali dhalinyaro ah.

Sumaya Jirde oo ah gabadha ay haweenaydan aflagaadeysay ayaa ah gabyaa iyo aktiviste soomaali ah oo caan ka ah dalkan Norway.

Haweenaydan ayaa sumaya barta Facebooga ugu qoryau ereyo xanbaarsan meel ka dhac shaqsiyeed, waxeyna ka codsatay inay ku noqoto dalkii ay ka timid ee Soomaaliya. Waxeyna sheegtay inay ka xumeyd in Sumaya ay wax ka sheegtay wasiiradii hore ee soo galootiga Norway Sylvi Listhaug.

Maxkamadaha sadexaad iyo labaad ayaa horey haweeneydan ugu xukumay ganaax lacageed iyo xabsi, kadib markii lagu helay danbiga lagu lagu eedeeyay. Maxkamada sare ayaa hada mar kale u fariisan doonto dhageysiga dacwada ka dhanka ah haweenaydan oo racfaan ka qaadatay dhamaan xukunada maxkamidihii hore.

Xigasho/kilde: Facebook-hets mot Sumaya Jirde Ali opp for Høyesterett

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments