Keshvari oo mar kale maxkamad lasoo taagi doono.

0
201
Foto: Stillebilde/Youtube

Dhageysiga dacwada Kiiska khiyaanada lacageed ee Afhayeenkii hore ee arrimaha soo galootiga xisbiga Frp, ahaana xubin baarlamaan oo katirsanaa xisbigaas, Mezyar Keshvari ayaa gali doono wareeg labaad oo maxkamdeed. Waxaana kiiskaas mar kale dhageysigiisa u fariisan doonto maxkamada racfaanka.

Maxkamada hoose ayaa Keshvari ku xukuntay 7 bilood oo xabsi ah, balse xeer ilaalinta ayaa racfaan ka qaadatay xukunkaas, iyaga oo sheegay inuu ahaa xukun aad u yar, marka loo fiiriyio danbiga uu Keshvari galay ee xadida xoolaha dowlada.

Keshvari ayaa lagu heystaa inuu baarlamaanka Norway ka xaday lacag gaareyso 450.000 kr, taas oo uu ku qaadan jiray si sharci daro ah. Balse keshvari ayaa qirtay danbiga lagu soo oogay, isaga oo celiyay dhamaantii lacagtii uu baarlamaanka ka khiyaameeyay, waxaana kiiskiisa loo galay qaab kiis qirasho.

Xeer ilaalinta ayaa aaminsan in mudada 7 bilood ee ninkan la xukumay ay aad u yartay, sidaas darteed ay mar kale maxkamada racfaanka ka codsan doonaan in xukunka xabsiga loo kordhiyo.

Xigasho/kilde: Bedragerisaken mot stortingsrepresentant Mazyar Keshvari ender i lagmannsretten

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments