Iran oo gantaalo ku garaacday saldhig ay joogaan ciidamo Norwiiji ah.

0
81

Ciidanka ilaalida gacaanka dalka Iran ayaa xaley saqdii dhexe gantaalo toboneeyo gaarayo ku garaacay saldhig ciidan oo kuyaal gudaha dalka Ciraaq, kaas oo saldhig u ahaa ciidamo reer galbeed ah, ayna kamid yihiin 70 Norwiiji ah.

Iran ayaa sheegtay in gantaaladan ay jawaab u yihiin dilkii loo geystay madixii ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dalka Iran, General Qaasim Suleymaani, kaas oo khamiistii tagtay lagu dilay magaalada Baqdaad.

Tv-ga Iiraan ayaa laga sheegay in weerarkaas lagu dilay 70 askari oo Mareykan ah, balse dowlada Mareykanka ayaa dhankeeda wali xaqiijin sheegashada Iran.

Dhanka Norway, wasaarada difaaca ayaa saaka aroortii sheegtay in dhamaan ciidamada Norwiijiga ahaa ee ku sugnaa saldhigaas ay nabad qabaan, aysana jirin wax khasaare nafeed ah oo soo gaaray.

Weerarkan ayaa cirka kusii shareeri doono xiisada kacsanaanta ka taagneyd bariga dhexe, iyada oo aad looga cabsi qabo in xaaladu kasii darto.

Xigasho/kilde: Irak: Militærbase med norske styrker angrepet av Iran

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments