IKEA oo 400 milyan oo magdhow ah ka bixisay wiil ku dhexdhintay dukaankooda.

0
358

Dukaanka laga leeyahay dalka Sweden ee IKEA ayaa heshiis ku galay inay lacag magdhow ah oo gaareyso 46 milyan oo dollar(400 milyan kr) ka bixiyaan wiil 2 sano jir ah oo ku dhintay gudaha dukaankooda, kaas oo sababsaday khaanad kusoo dhacday. Wuxuuna falkan ka dhacay gobolka California ee dalka Mareykanka.

2 sano jirka geeriyooday ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Jozef dudek. Khaanada wiilkan kusoo dhacday ee dishay ayaa aheyd nooca yar-yar ee buugaagta ama dharka la gashto. Waxeyna hada IKEA suuqa ka saareen nooca khaanayada ee wiilkan yar kusoo dhacday, iyaga oo sheegay inay wax ka badali doonaan designka khaanada.

Lacagta ayaa noqoneyso tii ugu badneyd ee abid kiis noocan oo kale ah laga bixiyo, sida ay qortay USA TODAY.

Xigasho/kilde: Ikea agrees to pay $46 million after tipped dresser kills toddler

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments