torsdag, mars 28, 2024

Hanbalyada Gudiga maraakiista Norway iyo baahida loo qabo jaaliyad soomaaliyeed oo sax ah.

Dhamaadka isbuucii tagay gudiga masaajidada Norway ee soomaalidu ay maamusho ee loo yaqaan maraakiista ayaa dadaal dheer iyo dhabar adeyg xoogan oo ay muujiyeen kadib, ku guuleystay inay isku soo dhaweeyaan labadii kooxood ee isku heystay maamulka masaajidka Towfiiq.

Sida ay NorSom News xaqiiqsatay waxaa inta badan lagu guuleystay xalinta khilaafkii guud, balse waxaa wali dhiman qodobo kooban oo la xiriira arrimo farsamo iyo is waafaqinta qodobada lagu heshiiyay ah. Waxeyna maraakiistu saareen gudi farsamo oo howshan dhameystirkeeda u xilsaaran.

Gudiga maraakiista ee khilaafkan xalkiisa u istaagay oo naloo sheegay inay ka koobanyihiin ilaa 15 masjid oo kuyaala magaalooyinka Oslo ugu dhow deegaan ahaan. Waxaana gogosha lahaa oo howsha inteeda badan qaatay masaajidka Abubkar Al Sadiiq ee magaalada Drammen.

Waxaa naloo xaqiijiyay inay howshan u galeen si degan, xilkasnimo iyo waayo-aragnimo leh. Waxey marka hore midba gooni ula kulmeen kooxaha maamulka masaajidka isku heysta, kadibna waxey u kala sameeyeen kala dabqaadis, iyaga oo ugu danbeyna ku guuleystay inay isku soo dhaweeyaan, xaliyaana khilaafka dhexdooda ahaa. Waxeyna arintaas mar kale na bareysaa in soomaalidu ay dhexdeeda xalisan karto khilaafaadka soo gala bulshada, iyada oo aan la adeegsan gacmo sadexaad.

Baahida Jaaliyad soomaaliyeed oo dhameystiran:

Khilaafka Towfiiq ee soomaalida dhexdeeda ah iyo in xalkiisa lagu guuleysan waayo mudo dheer, waxuu muujiyay jileeca isku xirnaanta soomaalida Norway, iyo sida aysan u laheyn marjac(jaaliyad) talada loola noqdo marka ay arrimo noocan oo kale ah soo baxaan. Ilaa ay howsha soo dhexgaleen gudiga maraakiista iyo masaajidka Drammen oo ugu danbeyna ku guuleystay inay khilaafkan xalkiisa fududeeyaan.

Norway xiligan kama jirto jaaliyad soomaaliyeed oo la isku raacsanyahay ama sax ah, marka laga reebo shaqsiyaad dhowr ah oo mid walba dhankiisa sameystay ururo lacag dowlada looga codsado, mid walbana uu dhankiisa iskiis isku caleemo saaray, sheegteyna inuu yahay gudoomiye jaaliyadeed. Arrintaas oo ah mid horey marar badan goob joog loo soo ahaa, waqti badana bulshada looga lumiyay, keenteyna in khilaafka soomaalida Norway dhexdeeda ah uu sii xoogeysto.

Xiligan waxaa la joogaa xiligii soomaalida Norway ay dib i sugu noqon laheyd, sameysana laheyd jaaliyad ama madal mideysa bulshada ku dhaqan wadankan, noqotana meel bulshada isku soo dhaweysa oo xiliyada ay wax dhacaan.

Waxaa xusid mudan in xiliyo kala duwan ay dad kala duwan isku dayeen aas-aaska madal mideysa soomaalida Norway, balse siyaabo kala duwan dartood loogu guuleysan waayay. Haba ugu weynaatee khilaafka iyo kala fogaanta soomaalida Norway dhexdeeda.

Iyada oo hada laga faa´iideysanayo khibrada laga dhexlay prosseska isku soo dhaweynta soomaalida isku heysatay masaajidka Towfiiq, mala joogaa xiligii mar kale la isku dayi lahaa in aas-aas loo sameeyo madal mideysa soomaalida Norway.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x