Frp oo taageerayaal badan helay, kadib markii ay xukuumada ka baxeen.

0
80

Xisbiga Frp ayaa isbuuc kahor sheegay inay isaga baxeen xukuumada ay hogaamiso Erna Solberg, kadib markii ay sheegeen inay u adkeysan waayeen talaabooyinka ay qaadeyso xukuumada ay hogaamiso Erna Solberg.

Waxey gaar ahaan ka bixitaankooda xukuumada Norway u cuskadeen haweenay Norwiiji ah oo ka tirsaneyd ururkii daacish oo Norway lagu soo celiyay.

Frp ayaa kadib marka ay wareejiyeen xilalkii dowlada, durba isku badalay mucaarad, waxeyna bilaabeen in dowladii ay maalmo kahor xilalka ka hayeen ay weeraraan.

Waxaana xog uruurin la sameeyay lagu ogaaday in ka bixitaanka xukuumada ee Frp uu siinayo fursad ay mar kale kusoo ceshan karaan taageerayaal ay lumiyeen. Taas oo durba ay muuqato natiijadeeda.

Frp ayaa kumanaan taageerayaal iyo xubno cusub ah ka helay dadweynaha Norway, waxeyna gaar ahaan taageero xoogan ku heleen inay diideen haweeneyda daacish ka tirsaneyd ee Norway lagu soo celiyay.

Xigasho/kilde: Fremskrittspartiet har opplevd en eksplosiv medlemsvekst etter bruddet med regjeringen

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments