Dowlada Soomaaliya oo ansixisay heshiis ay la gashay dowlada Norway.

0
177
Foto: MOF-Somalia

Golaha Wasiirrada ee xukuumadda Soomaaliya oo shaley shir aan caadi aheyn Muqdisho ku yeeshay ayaa ansixiyey oggolaanshaha heshiiska ay Norway ku caawineyso deyn-cafinta Soomaaliya.

Dowladda Norway ayaa bixineysa lacag gaareysa $400 Milyan oo ah qaanta Bangiga Adduunku ku leeyahay Soomaaliya. Norway ayaa sheegtay inay talaabadan u qaadeyso, si loo helo xasilooni maaliyadeed iyo mid siyaasadeed oo ay hesho Soomaaliya.

Sidoo kale dowladaha Ingiriiska iyo Talyaaniga ayaa bixinaya deynta ay Soomaaliya ku leeyihiin Hey’adda lacagta Adduunka iyo Bangiga horumarinta Afrika.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii hey’adaha maaliyadda adduunka iyo dowladaha deymaha ku leh Soomaaliya ay sida la sheegay ku qanceen dib u habaynta dowladda Soomaaliya ay ku sameysay hey’adaheeda maaliyadda intii ay jirtay xukuumadan.

Hey’adda lacagta adduunka ee IMF, Bangiga Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika ee ayaa la filayaa in todobaadyada soo socda ay ku dhawaaqaan in deynta laga cafiyay Soomaaliya, sida lagu sheegay war ka soo baxay xukuumadda Soomaaliya.

Arinta ayaa hadii ay suurta gasho, oo deymaha laga dhaafo Soomaaliya, waxay bog cusub u fureysaa dhaqaalaha dalka.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments