Denmark: Maxkamad xabsi iyo musaafurin ku xukuntay soomaali 20 sano dalkaas kunoolaa.

0
139

Maxkamada magaalada Aarhus ee dalka Denmark ayaa nin soomaali oo 27 sano jir ah ku xukuntay 11 bilood oo xabsi ah iyo musaafurin Soomaaliya loo musaafuriyo, kadib markii lagu helay inuu bir ku dhuftay nin waardiye ka ahaa baar lagu caweeyo.

27-jirka ayaa lagu eedeeyay inuu bir hal 7 kiilo culeyskeeda yahay uu ku garaacay waardiyaha baar ku yaalo magaalada oo habeenkii lagu caweeyo. Wuxuuna ninka waardiyaha xiligaas taagnaa albaabka hore ee baarka. @Falkan ayaa dhacay 18-kii bishii October ee sanadkii 2019. Booliska oo soo gaaray meesha uu falka ka dhacay ayaa xabsiga dhigay ninkan soomaaliga ah, halkaas oo uu ku xirnaa ilaa ay hada maxkamadu ka xukuntay.

27-jirka soomaaliga ayaa maxkamada ka hor sheegay in waardiyuhu uu habeenkii ka horeeyay habeenka uu falkaas dhacay u diiday inuu galo baarka, sidoo kalena uu u maleynayay inuu gacan qaad ku sameeyay. Taasna ay aheyd sababta uu u weeraray.

Musaafurin soomaaliya ah:

Ninkan soomaaliga ah ee maxkamad Aarhus ayaa lagu xukumau in loo musaafuriyo Soomaaliya, inkasta oo uu ku dhawaad 20 sano ku noolaa Denmark, qoyskiisuna ay halkaas deganyihiin.

Horey ayaa dhowr mar loogu xukumay falal danbiyeedyo, wuxuuna hirey u heystay digniin ah in Denmark laga musaafurin doono, hadii uu fal danbiyeed kale geysto.

Xigasho/kilde: Efter at have boet i Danmark i næsten 20 år kan en 27-årig somalisk mand nu se frem til en udvisning til Somalia.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments