(Bergen): Qoys ajnabi ah oo gurigooda uu dab ka kacay. Gabar 9 jir ah oo geeriyootay.

0
147
Foto: NRK-Skjermdump Sawirka booliska Bergen oo shir jaraaid qabanaya.

Subixii hore ee sabtida guri ay deganyihiin qoys Siiriyaan ah oo kuyaal magaalada Bergen, ayaa waxaa ka kacay dab sababay geerida gabar sagaal sano jir ah oo u dhimatay dhaawacyada kasoo gaaray dabka.

Guriga ay musiibadan ka dhacday, ayaa waxaa ku noolaa qoyskan oo ka kooban labada waalid iyo shan caruur ah oo ay dhaleen. Gabadha geeriyootay ayaa kamid ah afar caruur ah oo guriga laga soo badbaadiyay xiliga uu dabka ka kacay. Sadexda kale ayay boolisku sheegeen in wali lagu daaweynayo isbitaalka.

Booliska magaalada Bergen ayaan wali sheegin sababta keentay inuu dabka gurigaas ka kaco, iyaga oo sheegay, waxeyna sheegeen inay caawin ka dalbadeen booliska Oslo, qeybtooda danbibaarista.

Xigasho/kilde: Boligbrann på Søreide i Bergen

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments