Bergen-Drammen: Nin magangalyo doon ahaa oo ku dhintay shil tareen.

0
169

Sida ay xaqiijiyeen booliska, nin 30-meeyo jir ah ayaa xaley ku dhintay shil tareen oo ka dhacay deegaanka deegaanka Modum ee gobolka Buskurud. Tareenka shilka galay ayaa kasoo baxay magaalada Bergen, wuxuuna ku socday Drammen.

Warbaahinta ayaa qoreyso in ninka dhintay uu ku jiray baabuur uu jiiray tareenku, waxaana baabuurka la saarnaa labo qof oo ka baxsaday baabuurka, kana badbaaday shilka. Booliska ayaa sheegay in labada qof ee kale aysan soo gaarin dhaawac jir ahaaneed oo muuqdo.

Tareenka shilka galay ayaa waxaa xiliga ay arinta dhaceysay saarnaa rakaab kor u dhaafayo 100 qof.

TV2 ayaa qoray in ninka 30-meeyo jirka ah ee shilka tareenka ku dhintay uu Norway kusoo galay magangalyo doon ahaa. Balse wali lama xaqiijin dalka uu kasoo jeedo asal ahaan.

Xigasho/kilde: Bil ble påkjørt av tog – mann i 30-årene omkom

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments